Maleeshiyaadka Shiicada Oo Dilal & Af-duubyo Kula Kacay Suniyiinta Ciraaq.

Baqdaad (Raacdoc.com);- Maleeshiyaadka Rawafidda ayaa falal isugu jira dil iyo afduub waxay ka geysteen deggaanno ku yaalla duleedka magaalada Tikiirt ee Gobolka Salaaxu-diin ee Waqooyiga dalka Ciraaq.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay Maleeshiyaadka Xashdu-Shiiciga ah ay afduubteen in ka badan 200 oo Ruux oo Muslimiin ah oo deggaanadaasi ku noolaa, iyadoo qaar ka tirsan dadkaas la qafaashay meydadkoodana laga helay qeybo ka tirsan Gobolka Salaaxu Diin.

Meydadka Tobon Ruux oo jidhkooda ay ka muuqdaan raadad jidh-dil ah ayaa lasoo dhigay Mandhiqadda Dhooz-Khoormaato ee bariga Gobolka Salaaxu Diin, waxaana sidoo kale meydadka halkaas lasoo dhigay qeybaha sare ee Jidhkooda ka muuqday rasaastii lagu dilay.

Ehellada iyo qoysaska ay kasoo jeedaan dadkaas Sunniyiinta ahaa ee toogashada ay ku dileen Maleeshiyaadka Shiicada ayaa Xukuumadda Baqdaad ku eedeeyay inay mas’uulka ka tahay xasuuqa iyo gumaadka lagu hayo Muslimiinta Ahlu Sunnaha ah ee ku nool Gobolka Salaaxu Diin, iyagoo sheegay in tan iyo markii deggaanadaas ay isaga baxeen Mujaahiiintu ay Xukuumaddu diidday in goobahaasi la geeyo Ciidamo Booliis ah, balse lagaga tagay Maleeshiyaadka Xashdu-Shiiciga, kuwaas oo bilaabay inay laayaan dadka Sunniyiinta ah.

Ka sokow falalka dilka iyo barakcinta, waxay Maleeshiyaadka rawaafidda ah burburin xooggan ku hayaan guryaha ay leeyihiin dadka Sunniyiinta, iyadoo Muuqaallo baraha Internet-ka kol hore lasoo geliyay ay muujinayeen Maleeshyaadkaasi oo qarxinaya guryaha Ahlu Sunnaha.

Maleeshiyaadka Shiicada ah ayaa sii xoojiyay dhibaatada ay ku hayaan Muslimiinta Ahlu Sunnaha ah ee dalkaasi ku nool wixii ka dambeeyay markii badhtamihii sanadkan Maleeshiyaadka raafidadu iyagoo kaashanaya diyaaradaha dagaalka ee Dowladaha Taxaalufku ay la wareegeen deggaanno ku yaalla bariga Gobolka Saalxu Diin ee waqooyiga dalkaasi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *