Madaxweyne Silaanyo Oo Dhaqaan-galiyey Xeerka Diwaangelinta Codbixiyayaasha.

WAR-SAXAAFADEED-Date: – 24/12/2014

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/WM/240-2867/122014 ku meelmariyey, Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF-27642/2014 ee
ku taariikhaysan 06/12/2014 ee ay ku ansixiyeen Wax-ka-bedelka
iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha
Xeer Lr. 37/2007

Wuxuu soo saaray

Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *