Madaxweyne Siilaanyo Oo Markaska Tabliiqiyiinta Kaga Qayb-galay Salaad Roob-doon Ah Oo Dalka Laga Oogay + SAWIRRO

Hargaysa(Raacdo):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka bulshada magaalada Hargeysa kala qayb-galay tukashada salaad roobo-doon ah oo loo ballansanaa maanta oo Axada.

Salaaddan Allaah lagaga tuugayey inuu roobka inoo shubo ayaa maanta laga tukaday  dhammaan tuulooyinka, degmooyinka iyo guud ahaan gobollada Somaliland oo idil.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu qayb ka ahaa isla markaana uu hor-kacayey koox ka tirsan xukuumaddiisa oo salaaddaasi roob-doonta ah kala qayb-galay jamacii masjidka tabiliiqiyiinta ee caanka ku ah Markaska.

Salaaddii roob-doonta iyo ducooyinba ayaa halkaasi lagu oogay, waxaanu madaxweynuhu Alle uga baryey bulshada inuu ka aqbalo una shubo raxmad khayr qabta oo ay ku doogsadaan dad iyo xoolaba.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa halkaasi salaaddii roob-doonta ku tukiyey bulshada. Waxaanu Ilaahay ka baryey inuu ducooyinkoodaasi ka aqbalo.10690130_761514273962428_2131881894902381317_n 10690130_761514430629079_3095671362324827545_n 11102917_761514387295750_300650846048647358_n 11150623_761514120629110_5787445546346400862_n 11159562_761514173962438_1460094940295695575_n 11167813_761514360629086_7941451906523050831_n 11174903_761514103962445_3100281337669104039_n 11188340_761514230629099_17335272113823476_n 11196237_761514157295773_8835436833225076772_n 11200588_761514287295760_1424941998107202996_n




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *