Madaxweynaha Somaliya oo dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha cusub ee Nigeria

Muqdisho (RNN): Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Jamhuriyadda Nigeria General Muhammadu Buhari.

Madaxweynaha Soomaaliya oo khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha la doortay, ayaa ugu hambalyeeyay guusha uu ka soo hooyay doorashada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa kale oo uu u hambalyeeyay shacabka Nigeria, oo uu sheegay in ay Soomaaliya wadaagaan waxyaabo badan.

Madaxweynaha wuxuu rajeeyay in Soomaaliya iyo Nigeria ay yeeshaan iskaashi u dan ah labada dal.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa ka mid noqday hoggaamiyayaasha ugu horeeyay ee xiriir la sameeyay hogaamiyaha cusub ee Nigeria.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *