Madaxweynaha & Guud Ahaan Bulshada Somaliland Oo Ka Qaaday Olale Nadaafadeed Oo Balllaadhan (DAAWO SAWIRRO XUL AH & MUUQAAL)

Hargeysa (RNN)- Hawlgal olole nadaafadeed ballaadhan oo lagu ururiyey qashinka, ayaa laga fuliyey guud ahaan magaalooyinka gobollada iyo degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo ay ka qaybgaleen Madaxweynaha iyo madaxda kale ee qaranku.

Ololahan oo hore xukuumaddu ugu astaysay maalinta 7-da bisha, waxa magaalooyinka isugu soo baxay shacab iyo dhammaan madaxda hay’adaha kala duwan ee dawladda oo horkacayey, kuwaas oo goobaha suuqyada, goobaha bulshadu wada leedahay iyo xarumaha iyo xafiisyada dawladda ka nadiifiyey wixii qashin yaalay.

Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland oo xudunta ugu wayn u ahayd hawlgalka nadiifinta qashinka ee maanta, waxa subaxnimadii hore goobaha muhiimka ah iyo xaafadaha degmooyinka isugu soo baxay boqolaal qof oo u soo diyaar garoobay inay noqdaan hawlwadeenno nadaafadeed oo xashiishka gura si deegaanka u noqdo mid nadiif ah.

Inta badan goobaha qashin-gurka waxa dadwaynaha iyo shaqaalaha dawladda ee ka qaybgalayey hoggaaminayey ama hormood u ahaa masuuliyiin kala duwan oo ka mid ah madaxda heer qaran, wasiir ilaa agaasime, kuwaas oo iyagoo sita ama xidhan dhar ka turjumaya maalinta nadaafadda iyo kuwa wax lagu nadiifiyaba gacmahooda ku gurayey xashiishka, arrintaas oo dhiirigelin u ahayd bulshada kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay wehelinayeen wasiirro iyo masuuliyiin kale oo dawladda ka tirsan, ayaa si wayn uga qaybgalay ololahan nadaafadda oo ay qashinka la gureen dadweynaha iyo hawlwadeennada kale, isagoo Madaxweynuhu soo kormeeray ku soo maray guud ahaan shanta degmo ee caasimadda ee hawshu ka socotay.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka hadlay muhiimada ololahan iyo ujeeddada laga leeyahay, waxaannu yidhi, “Maanta waxaa weeye maalintii nadaafadda waxaynu u tashanay qaran ahaan in aynu u qoondayno maalinta nadaafadda oo aynu kuligeen ka wadaqaybgalno, sidii dalkan iyo dadkan nadaafadiisa aynu kor ugu qaadi lahayn magaalooyinkeena iyo waddooyinkeena wayn oo dhan, ololahan nadaafaduna waa Al-nadaafatu Minal-iimaan.

Aad iyo aad bay muhiim inoogu tahay saxada dadka nadaafadda iyo quruxda magaalooyinkeena, wax weyn bay ugu fadhidaa in aynu dad ahaan dawlad ahaan iyo shacbi ahaan iska kaashano in aynu nadaafadda aad iyo aad kor-ugu-qaadno, taasoo aan ka socon gobolkan oo keliya ee ka socota dalkoo dhan, maanta Insha Allaahu tacaalaa Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu innagu guuleeyo, taana aynu mar walba meel uga soo wada jeesano,” ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo.

Sidoo kale, Marwada koowaad ee Madaxweynaha Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina-weris) iyo xubno wasiirro ah, ayaa iyaguna ka qaybgalay ololahan nadaafadeed, iyagoo goobo ka mid ah caasimadda ka sameeyey qashin-gur.00000002 7 8 0000000009 222 91 61 43 333 00000998 000998 00000000000999 (1) 00000000000999 4444 5555 000009978 0009987 9990 99998 88881 88879-0 55551 0009998 222345 444567 88899007 888888888772 888888888887




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *