Madaxwaynaha Somaliland Oo La Kulmay Danjire ka socday Talyaaniga

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed SIilaanyo, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay safiirka dawladda Talyaaniga u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somaliya oo todobaadkan booqashadiisii u horaysay ku yimid dalka.

Kulankan ay Madaxweynaha iyo safiirku wadda-yeesheen ayaa lagaga wadda-hadlay qodobo ay ka mid yihiin sidii loo xoojin lahaa cilaqaadka u dhexeeya labada dal iyo sidii dawladda Talyaanigu uga qayb-qaadan lahayd horumarka Somaliland.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibada Mawliid Maxamuud Ibraahim ayaa faah-faahin ka bixiyay kulankan ay Madaxweyne Siilaanyo iyo safiirka dawladda Talyaaniga u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya ay wadda-yeesheen, waxaanu yidhi “Maanta (shalay) waxa Madaxweynuhu qaabilay Safiirka Dawlada Talyaaniga u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya ee fadhigiisu yahay Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, Madaxweynaha iyo Safiirku waxay ka wadda-hadleen sidii xidhiidhka labada dal loo xoojin lahaa iyo sidii loo sii horumarin lahaa, waana markii u horaysay ee uu Somaliland yimaado, Madaxweynuhuna si fiican buu u qaabilay aad baanu Madaxweynuhu ugu mahadsan-yahay balanta iyo kulankaasi uu la yeeshay Safiirka. Waxyaabihii Somaliland Talyaanigu u qabtay bay ka wadda-hadleen iyo waxyaabaha aynu mustaqbalka ka filayno, sidaa darteed aadbaanu ugu faraxsanahay in Madaxweynuhu soo dhaweeyo.”

Safiirka Dawlada Talyaaniga u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya ayaa sheegay inay tahay booqashadii u horaysay ee uu ku yimaado Somaliland, waxaanu tilmaamay in la dar-dar gelindoono xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Talyaaniga .

Laamaha Amaniga Iyo Cuqaasha Gobolka Maroodi-jeex Oo Isla Qaatay In Aan Mag Laga Bixin-doonin Dhalinyaradda Rabshaddaha Sameeya




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *