Madaxtooyada Oo Ku Gacan-saydhay Ergadii Saaka Ee Guddoomiyaha Guurtida Iyo Cadhada Saleebaan Maxamuud Aadan Kala Soo Baxay.

Hargeysa (Raacdo.com):- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxmauud Aadan (Saleebaan Nuur) ayaa hungo iyo gacmo madhan laka soo laabtay ergo uu saaka ugu tagay Madaxtooyadda.

Guddoomiyaha Guurtida Mud. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa madaxweynaha u soo jeediyay in aanu dalka galin khal khal siyaasi ah, isla markaana hadduu isagu ka tanaasulay damaciisu, uu dhex u ahaado dhammaan Musharaxiinta Xisbiga KULMIYE ku loo lamaysa.

Geesta kale wuxuu Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, u soo jeediyay Madaxweynaha in aanu badalin dhawaqiisi Garoonka Diyaaradaha Hargaysa, ee aha in si dhex ah loogu tartamaayo Xisbiga KULMIYE, qodkii Golaha dhexe soo saarana la wada tageero. Balse dalabyadii Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ayaan dhammantood hirgalin, waxaana la arkaayay Guddoomiyaha oo cadho iyo xanaaq xoogan kaga soo baxay Aqalka Madaxtooyadda.

Lama Garanaayo inuu Guddoomiyaha Guurtidu ka hadli doono Xaaladan qasan ee dalku galay iyo in kale.

Somalilandtoday.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *