Maansada: Dhanxiir

1: Dhalan rogan adduunkii
2: Ummad dhiirranbaa timi
3: Aniguna dhawaaqoo
4: Ka dhiidhiyay xumaatada
5: dhallinteeni qaateen
6: Dhaqankiina dooriyay
7: Hida dhaxal awoowiyo
8: Dhaqan baynu leenahay
9: Dadku ay ku dhaataan
10: Dharka aynu xidhanaa
11: Dhal dhalaalka gaaliyo
12: Dheemankaba ka qurux badan
13: Balse dhoohanaantii
14: Dhallinteeni may garan

15: Dhaqan dooris baa kacay
16: Hiddaheeni dhalan-rogoo
17: Dhajis iyo surwaal dhuuban
18: Inta ay dhar moodeen
19: Dhan-xiir loo yaqaannoo
20: Diintiina dhinac mare
21: Dhayal sade hugoodii
22: Dhexdo suun ka muuqdo
23: Mara sii dhacaysoo
24: Dhaayuhu ka magaan
25: Ayay dheef Ka dayayaan

26: Ubixii dhulkaygoow
27: Aan dardaaran dhiibee
27: Dhallaankiyo caruurtii
28: Dhaxal aan u reebnoo
29:Hiddaheena dhawrno
30: Dhaliishana u diidnoo
31: Ka Dhalaalno Foolxumo

Curintii: Amran Xuseen Cabdi




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *