Ma Dhabba In Samaale, Maxamed Biixi, Xirsi & Faysal Cali Warabe Xalay Kulmeen, Maxay’se Ka Wada-hadleen?

Hargeysa(Raacdo.com):- Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in habeenkii Xalay ay ku Kulmeen  Hutelka Ambassator ee Magalada Hargeysa Kooxdii Wasiirada ahayd ee dhowaan iska casilay Xilalkii ay ka hayeen Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal cali waraabe.

Kulankan oo aan la ogeyn waxyaabaha ay ka wada-hadlen labada dhinac hase-yeeshe waxa xoggaha laga helayaa sheegayaan in C/casiis Samaale, Maxamed Bixi iyo Xirsi ka codsadeen Gudoomiye Faysal inuu soo bandhigo Xilalka ay kooxdani uga ogolaan doonaan haddii ay kusoo biiraan, sidoo kale dalabka kooxda ayuu Gudoomiyaha Xisbiga Ucid, uu kaga dareen celiyey in uu kala soo tashan-doono xisbiga iyo musharraxiintiisaba.

Wararku waxay sheegeen in ay uu kulankaas ka maqnaayen Musharraxiinta Xisbiga, kuwaasoo la sheegay inay dalka dibediisa ku maqan yihiin.

Si kastaba ha-ahaatee waxay kooxdani kasoo cadhoodeen Khilaafkii kala irdheeyey Xisbiga tallada haya ee KULMIYE, iyadoo kooto loogu xidhay Xisbigaasi Muse Bixi Cabdi, sidoo kale-na waxa ay kooxdani yihiin kuwo hamuun u qaba inay keligood gacanta ku dhigaan hoggaaminta taladda Dalka.

Waxana sidaoo kale ay yihiin kuwo xoolo iyo dhaqaale buuranba gacanta ku hayaa, hase-ahaatee maanta xil Madaxweyne gaadhsiiya ugama banaana Xisbiyada dalka oo dhan, waxaa’se laga yaaba inay Xisbiyada ugu biiran sidii ay uga aar-gudan lahaayen Muuse iyo xulafadiisa.

Xigasho: Oodweynenews.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *