Ku Dhawaad 10 Askar Kenyaati Ah Oo Lagu Laayay Jubbada Hoose.

Muqdisho (Raacdo.com):- Ciidamada Al-Shabaab ayaa shalay barqadii weerar dhabo-gal ah u dhigay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Kenya ee fadhiisinka ku leh deggaanka Howsingow ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Kenya ee dhabaha loo galay ayaa la sheegay inay sahay kasoo qaadanayeen ciidamo kale oo gudaha Kenya ka yimi, qorshahana uu ahaa in dhexda la isaga hor-yimaado si sahayda loo kala qaato.

Sarkaal ka tirsan xoogagga Al-Shabaab ayaa idaacadda Andalus u xaqiijiyay in weerarka dhabo-galka ah uu dhacay intii aanay labada ciidan isa soo gaadhin, isagoo intaa raaciyey in weerarku uu ku bilowday qarax miino oo lala helay mid ka mid ah gaadiidka gaashaman ee askarta Kenya.

Inta la ogyahay 7 askari oo ka tirsan askarta Kenya ayaa lagu dilay weerarkaasi dhabo-galka ah waxaa sidoo kale la dilay ilaa 5 askari oo ka mid ahaa ciidanka federaalka oo Kenyaanka kasoo raacay deggaanka Howsingow.

Saraakiisha Al-Shabaab ayaa intaasi raaciyay in dhaawaca la gaadhsiiyey ciidamadan Kenya uu gaadhayo ilaa 4 askari.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *