Kolonyo Galbinaysay Saraakil Mareykan Ah Oo Weerar Dhabo-gal Ah Loogu Dhigay Duleedka Kismaayo

Sida ay wararku xaqiijiyeen ciidamada Kenya oo galbinayay saraakil Mareykan ah ayaa si dhuumaalaysiya xalay fiidkii ku gaadhay deggaanka Birta-dheer ama (Janaay Cabdalle) oo qiyaasti 60 km u jirta Magalada Kismaayo.

Kolonyadan galbinaysay saraakiisha maraykanka ayaa markii ay dib u soo laabteen waxay la kulmeen weerar dhabbo-gal ah oo afaafka hore ee deggaanka Canjeel ay ugu dhigeen ciidamada xarakada Al-Shabaab.

Saraakisha Ciidamada Al-Shabaab ayaa Warfidiyeenkooda u sheegay in weerarka dhabo-galka ah uu kolonyadaasi qabsaday Marki ay deggaankasi Soo dhaafeen iyadoo intaasi ay ku dareen in Mujaahidintu ay Gantaallada garbaha laga gano ay la heleen Mid ka mid ah Gaadiidkii kolonyada ahaa, waxaana la sheegayaa in halkasi uu ku gubtay.

Wararka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya in kolonyadaasi oo watay askar dhimasho iyo dhaawac ah iyo Gaadhigii Laga gubay ay ku noqdeen xarumaha Magalada Kismaayo ay Kaga sugan yihiin.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *