Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Lagu Qarxiyay Deggaanka Yurkud Ee Gobolka Gedo.

Muqdisho (Raacdo.com):- Kolonyo gawaadhi ah oo ay la socdeen Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa lagu qarxiyay deggaanka Yurkud ee ku yaalla xadka ay wadaagaan gobollada Baay iyo Gedo ee Koonfur galbeed Soomaaliya.

Wararka halkaas laga helaayo ayaa waxay sheegayaan in qarax xooggan oo loo adeegsaday miinada dhulka aaso in loo dhigay mid ka mid ah gawaadhidii kolonyada ahaa.

Ilo-wareedyo ay war-fidiyeennada qaar soo xiganayaan ayaa sheegaya in Saddex Askari oo Itoobiyaan ah ay weerarkaasi ku dhinteen, ayna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, sidoo kalena waxaa burbur xooggani uu soo gaadhay gaadhigii qaraxa loo dhigay oo noociisu ahaa Uuraal.

Qaraxyada iyo weerarrada dhabba-galka ah ayaa inta badan lagu beegsadaa Ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka Soomaaliya, iyadoo dhowr maalmood ka horna dagaal ka dhacay degmada Luuq ee Gobolka Gedo lagu laayay Askar badan oo Itoobiyaan ah.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *