Khubaro Millatari “Awoodda Alshabaab Ma Aha Wax Qarsoon Maxaa Yeelay Amisom & Dowladdu Way U Tagi Kari Waayeen Diyaaradda Soo Dhacday”

Muqdisho (Raacdo.com):- Meel udhaw Magaalada Muqdisho Ee Caasimada dalka Soomaaliya Wax yarna u jirtay Degmada Afgooye Ee Shabeelaha Hoose oo ay maamulaan Amisom iyo Dowladda Xasan Sheekh waxaa arbacadii kusoo dhacday diyaarad lagu jaha-wareersan yahay rakaabkii saarnaa iyo halka laga leeyahay.

Diyaaradda waa laysku raacay inay kasoo duushay Kenya una socotay Garoonka Balli-doogle oo saldhig weyn ku leeyihiin Maraykanka iyo Amisom. Waxaana halkaasi ka muuqda in diyaaraddu ay waday agab muhiim u ah qolyaha heysta Balli-doogle.

Khabarka Ku saabsan Diyaarada Al-shabaab iyo iclaamkoodu way qariyeen waxna kama aanay odhan. Khubarada dhanka ammaanka ayaa hadda sheegaya in Alshabaab yihiin awood Muuqata oo laga been sheegay in lagu  jabiyay dagaalka lagula jiro ee ku baxay naf iyo maal.

Professor wax ka dhiga Jaamacadaha Maraykanka ayaa VOA-da u sheegay in dowladda iyo Amisom guul-darro weyn ay u ahayd inay gaadhi waayaan halka diyaaraddu ku dhacday.

Amisom iyo Dowladda ayaa marmarsiiyo ka dhiganaya in Roob xooggani uu ka da’ayay halka diyaaraddu ku dhacday isla markaana ay dhaqaaqi kari waayeen ciidamadoodu.

Ciidamada Alshabaab ayaa la sheegayaa inay yihiin kuwo ku awood badan dagaalka dhanka lugta ah oo aanay ka qeyb-qaadan dabaabaadka Amisom.

Roobka da’ayay ayaa sabab u noqday inay dhaqaaqi kari waayeen dabaabaadka Shisheeyaha taasina waxay guul weyn u ahayd Xarakada Al-Shabaab oo si weyn umaamusha halka diyaaradu kusoo dhacday.

Maraykanka ayaa aad uqarinaya waxa ay ahayd diyaarada iyo dadka saarnaa. “Diyaaraddu waxay waday lacag Malaayiin Dollar ah, Maya ma wadin ee waxay waday saanado hub ah,..” waa wararka ugu badan ee ka guuxaya Soomaalida.

Madaxweynaha Dowladda oo ceebta dusha ka saaran Dowladda iyo shisheeyaha qarinaya ayaa ku dooday in Al-Shabaab aanay awood lahayn balse yihiin dad duurka ku jira oo wixii halkaasi ay ka helaana qaataan.

Hadalka madaxweynaha ayaa waxaa laga dhadhansan karaa in aanay maamulin tuullooyinka iyo deggaanada Miyiga ah ee ka baxsan Magaalooyinka ay kala wareegeen Al-Shabaab.

Kubaddu hadda waxay hor-taallaa dhanka Alshabaab, iyaga ayaana hagi doonna khabarka biyo kama-dhibcaanka ah ee la xidhiidha waxa ay ahayd diyaaraddu iyo masiirka rakaabka saarnaa.

Sanado badan in laga joogo waqtigii Al-Shabaab laga saaray Afgooye, haatanna Al-Shabaab Aan loogu tegi karin meel Afgooye u jirtay 9km, waxay dhabar-jab ku tahay Amisom halka ay Guul u tahay Al-Shabaab.

W/Q Sabaax Axmed Janan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *