Khasaarihii Ugu Xoogganaa Oo Soo Gaadhay Ciidamo Laga Qaaday Muqdisho Oo La Geeyay Ceelbuur.

Muqdisho (Raacdo.com):- Khasaarihii ugu xooganaa ayaa mar qudha soo gaadhay ciidamo Boqolaal ah oo dhawaan laga daad-gureeyay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

 

Ciidamadan oo loo daad-gureeyey mudooyinkanna ku sugnaa Ceelbuur ayaa la howlgalayay Ciidamada Itoobiya.

 

Askar badan oo ka baxay Ceelbuur ayuu xalay dagaal ku qabsaday meel  u dhaw Magaalada Ceelbuur ee Gobalka Galguduud.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa wadada u galay Ciidamadaasi waxaana goobtaasi ay ku dileen Lix askari, iyagoo ka qaatay qoryahii iyo buushashkii ay wateen ciidamadaasi.

 

Ciidamadii kale ee weerarkaasi ka badbaaday ayaa gaadhay Ceelbuur, waxayna goobtaasi kaga carareen Maydadka Lixdii askari ee dagaalkaasi lagaga dilay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *