Kaligii-Duule Filistiini Ah Oo Weerar Halyeeynimo Ka Fuliyey Magaalada Al-Qudus

Al-Qudus (Raacdo.com):- Wararka ka imanaya dhulka Filastiiniyiinta ayaa waxay sheegayaan inuu dhaawacmay Askari Yahuudi ah, kadib markii Nin dhallinyaro ah oo Filastiini ah uu Toorrey ku weeraray Askarigaas xilli uu ku sugnaa deggaanka Beyt Sheymish ee ku yaalla Koonfurta magaalada Al-Qudus.

Goob joogayaal ku sugan magaalada Al-Qudus ayaa sheegay in Wiilka dhallinyarada ah inuu weeraray koox Askar ah oo ku sugnaa bar kontorool oo deggaankaas ku yaalla, waxaana u suurta-gashay inuu dhaawac u geysto mid ka mid ah Askartii goobta ku sugneyd. Ciidamada Yahuudda ayaa rasaas kaga jawaabay weerarkaas lagu qaaday, iyagoo dhaawacay ninka Filastiiniga ah.

Gelinkii dambe ee Jimcaha ayaa Ciidamada gumeysiga Sahyuuniyadda ee magaaladaas ku sugan waxay toogasho ku dileen wiil dhallinyaro ah, waxayna dhaawaceen mid kale, kadib markii ay ku eedeeyeen in weerar tooriyeyn ah ay rabeen inay ka dhex-fuliyaan Bas dadweynaha qaada, kaas oo isaga kala goosha gudaha magaalada.

Boqolaal ka tirsan Ciidamada Yahuudda ayaa lasoo dhoobay magaalada Al-Qudus iyo magaalooyinka kale ee dhulka Filastiin, si looga hortago weerarro kale oo lagu qaado dadka Yahuudda ah ee dhulkaasi xoogga lagu dejiyay. Wariyeyaal ku sugan magaalada ayaa xusay in waddooyinka waaweyn la dhigay Askar badan, kuwaas baadhitaanno ku sameynaya dadka iyo gaadiidka.

Muddo Saddex todobaad ka badan waxaa dhulalka Filastiiniyiinta ka socda weerarrada keligii-duulnimada ah ee lagu qaadayo dadka Yahuudda ah, iyadoo weerarradaasi ay fulinayaan dhallinyaro keligood-duulayaal ah oo doonaya inay difaacaan Masjidka barakeysan ee Al-qasa iyo Muqadasaatka kale ee Yahuuddu ay dooneyso inay ku xad-gudubto.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *