Kala-Maan – Hoyga Dhimashada ee Magaalada Hargeisa (Hargeisa Group Hospital): By Mustafa A. Ismail

Maalmahan waxa aynu maqalnaa in xubno ka baxeen xubi oo ku biireen xisbi hebel kale. Waa dhaqankii xiligan oo kale ee inoo bilaabmay ilaa iyo intii Somaliland qaadatay habka xusbiyada, mana ah wax baryahan dadku u arkaan war weyn, waayo waxayba sii saadaaliyaan inta gali karta geediga noocaas ah ee kolba xisbi u guurka ah. Arintanina waa ta igu dhalisay qoraalkan oo ku salaysan tiro iyo tayo, ta Kulmiye ku xisaabtamayo.

Dib u raaca taariikhda xusbiya JSL oo kooban:

Sanadkii 2001 dabayaaqadiisii Somaliland waxay u guurtay hanaanka xusbiyada badan, Allaha u naxariistee marxuun Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, waxa xiligaa uu bulshada Somaliland isagoo hogaanka dalka ee uu hayey ku yimid hab doorasho oo ku salaysan qaabkii beelaha ee ay tiro go’an oo odayaal ahi ay codka ku siisay, taas oo bulasho weynta Somaliland iyadna badi ku taageertay. uu Marxuun dalka waxa uu u horseeday nidaamka xusbiyada mudo ku dhawaad afartan sano kadib ee xiligii xornimada oo xusbiyo ay jir jireen, haba la isku raaco tiro badnidoodii iyo tayo xumadoodiiye.

Habkaas uu marxuun Cigaal iyo gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo isna ahaa hogaankii UCID ee labeeya kii Cigaal, ayaa keenay in xusbiga UCID iyo kii Cigaal aas-aasay ee UDUB ay ku yimaadaan hanaan u muuqday soo-rogaal-celin ah, balse ka digaya in ay xusbiyadu inaga noqon kuwii 60kii ka hor tayo iyo tiro ahaanba. Sida aynu taarikhada ku hayno, geeridii Cigaal kadib isna waxa dhashay bishii May sanadkii 2002-dii xusbiga Kulmiye. Geerdii Cigaal waxay keentay in ay Somailand si siyaasadeedu degan tahay ugu sii ambo- qaado hanaanka xusbiyada. Sidoo kale sida taariikhda aan wali duugoobin ee sii qoyani ina farayso, waxa xusbiga Kulmiye oo qormadani ku qotonto uu hogaaminayey ruug-cadaa siyaasada iyo halgankaba bulshadu ku soo aamintay hogaaminteedii, kalsoonina ay aad ugu qabtay uu mar kale u soo banbaxay in uu bulshada hago, inkastoo doorkani yahay mid laba odhan karo waa mid xoog uga duwan kuwii laga soo gudbay ee SNM iyo kii marxuun Cigaal ee nidaamkii beel-wax-ku-qaybsiga ee cod Guurti ku koobnaa hogaanka lagu xulayey.

Qormadan oo iska guud xaadh ah, haddii aynu ku dhaadhacno; loolaankii siyaasi ee sii xoogeystay ee saddexdii xusbi ee Kulmiye, UCID iyo UDUB oo aakhirkii dhalay in daaqada lagala boxo xusbigii dhaxal ahaan uu sidoo kale la wareegey Daahir Riyaale Kaahin, waxa is weyndiintu tahay isal su’aashii taagnayd xiligaas ee haysatay UDUB, jawaabteeduna noqotay halkii uu maray.

Halkaa uu maray xusbigii UDUB waxay astaan ahaan u taagnayd, muujinaysaana tayadii xusbi ee uu lahaa. Tayo xumadu waa mid aan u soo jiidin taageero badan oo uu bulshada kaga helo cod xiligii ay fagaaraha siyaasadeed isku haleeleen xusbiga Kulmiye markii labaad sanadkii 2010kii.

Tayo xumadaasi teebay ahayd?

Dib u jeleeca habkii maamul iyo hanaankii xukumadii UDUB ee sida rasmiga ah doorashada ku timid sanadkii 2003dii ee aadka la iskugu dhawaaday natiijadeedii, isla markaana doorashadii sanadkii 2010kii xusbiga Kulmiye kaga guulaystay, maxaad is leedahay Kulmiye wuu u guulaystay, dadkuna codka u siiyeen?

Jawaabta waa la soo koobi karaa, waxa laga yaabaana in ay buunbuunin ay galiyaan dadka qaar dhankay doonana ula kici karaan, hase ahaatee haddii aynu halkeeda ugu tagno jawaabta wax aynu ka dhex helaynaa laba arimood oo inagu kala aroorinaya tii xusbiga Kulmiye bulshada uu sheegay in uu u taagnaa iyo sidii UDUB u dhaqmayey ee Kulmiye ina lahaa wuu kaga duwan yahay, labadaas oo dadka reer Somaliland ay mar walba ahaayeen kuwii kala xukumayey, xukunka u riday Kulmiye 26kii June sanadkii 2010kii, oo imika in ay shan sano ka hor noqoto intii gaadhaa ku xisaabin doonto.

Tayadii Kulmiye ina tusay ayaa waxay ahayd mid waxna buug cagaaran inoogu qoray, badhna afka inooga sheegay si joogta ah in uu inoo hirgalindoono, waliba waxa intaas u dheerayd waxa wuu farta inoogu fiiqi jiray tayo-daradii UDUB oo uu fagaare walaba ka sheegay in uu ka wanaagsan tahay tii uu inoo hayey. Yeelina doonin sidii xukumadii iyo xusbigeedii ee UDUB.

Haddii aan wax ka xusno waxa ka mid ahayd, arimaha uu aadka ugu baani jiray Kulmiye ee uu inoo sheegay inuu meesha ka saarayo.

  • Ka duwanaanshaha UDUB, oo Kulmiye inoo sheegi jiray in uu ku salaysan yahay mabda ka duwan kii UDUB, isla markaana aanay isa shabihin.
  • Ilaalinta xoriyada saxaafada oo ay ku jirto wadaaga saxaafada qaranku wada lee yahay sida TV-ga iyo idaacada ee cashuurta qaranka ku shaqeeya, ee Kulmiye iyo xusbiyada qaranka ee dastuurka dalku uu u simay in ay wadaagaan, taas oo Kulmiye si ba’an ugu dhaliili jiray xukumadii UDUB, sheegayna in uu taa badalidoono.
  • Ilaalin- la’aanta sharciyada iyo dastuurka dalka oo uu Kulmiye kaga duwan yahay UDUB, sida mudo kordhinta oo uu Kulmiye u aqoonsanaa shay xaaraan ah oo wey-daarsan dastuurka dalka- ahana sida gudoomiyihii Kulmiye, maanta madaxweynah dalka uu ku sharaxay “Shay Xaaraan ah”
  • Dhawrista hantida qaranka, sida dhul iyo dhismeyaalba iyo la dagaalanka musqmaasuqa heer uu joogo iyo cidii ku kacaysaba.
  • Ilaalinta midnimada bulshada, iyadoo uu meesha ka saarayo eexda iyo qaraabo kiilkii uu UDUB ku eedayn jiray xiligaa.
  • Dhismaha xukumad kooban oo tayo leh, taas oo uu Kulmiye ina yidhi dalku ma qaadi karo xukumad tiro ahaan leeg tii UDUB, iskaba daa ta uu maanta Kulmiye inoo dhisay.
  • Wax ka qabadka cadaalada iyo la dagaalanka laaluushka lagu bixiyo maxkamadaha iyo dacwadaha bulshada ka gala.

Inkastoo waxyaabihii ay ku balan qaadeen la odhan karo in badan oo tiro ahaan u dhiganta intaa aan kor ku xusay ay fuliyeen, haddana waxyaabaha ay ku guuldaraysteen waa kuwo aan ka gadiyin in xusbiga Kulmiye iyo xukumadiisa tii ay hore inoogu sheegeen in ay ka wanaagsan yihiin, ee UDUB la mid yihiin, waayo waxa ay meelo badan qaadeen qariiqii hanaankii UDUB, waxayna u dhaqmaan habkii xukumadii ay dhalilihii ay hore inoogu ifiimiyeen ee UDUB isla Kulmiye duudka u ritay, kuwaas oo maanta soo saaray sawir ka duwan Kulmiyihii bishan bisheedii sanadkii 2010kii ololaha ugu jiray hogaanka dalka isagoo ah mid gabi ahaanba wata sawir ka duwan tii umadu codka ugu hiilisay.

Tayada xusbiga Kulmiye iyo xukumadiisa ayaad dareemaysaa in bulshadu carabka ku hayso, hase ahaatee isla hogaanka iyo xubnaha firfir coon ee Kulmiye, ma aha kuwo ay marto dhaliisha loo soo jeediyaa, mana qaataan wixii tilmaama iin ay lee yihiin, badani waxay goobaha ay iskugu yimaadaan, sida shirarka xukumada iyo ta xusbigaba la gola fuulaan faanka iyo sheegashada waxqabad, mana muujiyaan in dhaliili jirto, marka laga yibmaan in ay qiraan in wax dhiman yihiin. Difaaca noocan ahna waxa ay reerKulmiye iyo xukumadoodu u yeesheen erayo ay ku difaacaan ta ay doonayaan in adku arkaan o kali ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin “Indhihii caafimaadqabaa wey arkaan waxa la qabtay” iyo qaar kale oo badan.

Dabacan kama filayno cidna in dhaliisheeda fagaaro la soo fuusho, laakiin hoos uma eegaan wax u qabsoomi waayey iyo wax ay la seegeein in ay fuliyaan balanqaadyadii iyo in ay isku eegaan muraayada siyaasada bal in ay is arkaan in ay inuu meel uga eekaadeen xusbigii iyo xukumadii UDUB, sida kuwa bulshadu sida weyn u dareensan tahay oo ay hoos u eegaan, oo ay ugu horayso fagaarayaasha ay isku koobeen, sida haddii ay tahay xafladaha ay la wadaagi lahaayeen xusbiyada kale, sida qalinjabinta ardayda jaamacadaha iwm, fagaare wadaaga, sida idaacada iyo tv ay gacanta ku hayaan xukumad ahaan oo ah mid ay saani isku leekaysiiyeen tabtii xukumadii UDUB, waliba waxa u dheer in xusbiga Kulmiye dib inoogu yar muquuro habkii xiligii sideetanaadkii oo idaacada iyo TV qaranka heeso sidii kali taliska loo amaanayo hogaanka xukumada laga soo daayo.

Waxase intaa dheer Kulmiye waxa uu ogolaaday in ay ku soo burqadaan xubnihii ay hore ula loolan galeen ee ay inoo sheegeen in ay ka madbada, hindise iyo himiloba duwan yihiin. Habba ogolaadeene waxa sidoo kale ay ogolaadeen in hanaankii ay hore inoogu sheegeen in ay badalayaan isna qaataan, xililana ku taxaan kuwii shalay ay ka cabanayeen ficiladii ay kala kulmeen, tanina waxay ka noqotay Kulmiye tiro, balse tayadii ay inoo sheegeen meesha ayey ka baxday.

Haddii aan soo dabaalo qoraalkan, xusbiga Kulmiye xaflado uu u qabto shaqsiyaad xusbi kale ka soo baxay, tiro ahaan wey ku kordhin, hase ahaatee tayo ahaan waxa aynu arkaynaa in aanay waxba ku soo kodhinayn, waayo, Kulmiye isagoo tiradii uu ahaa markii hogaanka dalka loo doortay 26kii June 2010kii ayuu ka wanaagsanaa isagoo ina tusa in uu yahay xusbi xukumadiisu tayo u taagan tahay, balse aan tiro tirsan, isla markaana wali haya tubtii uu hayey xiligii uu mucaaridka ahaa oo ay u wada muuqato wixii u muuqday xiligaas. Intase Kulmiye uu hayo tubta uu ku shan jirsanayo hogaanka dalka, waxa aynu odhanaynaa uun waa ka tiro tirsi, ee kama aha tayo tirsi, kuba dar waliba haddi mudo kordhin intay tahayba loo sameeyo marka uu gaadho mudii sharcigu siiyey hogaanka dalka, waa tirsi kale oo aan ahayn dayo kordhin.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *