Kacdoon-wadayaasha Suuriya Oo Horumar Ka Sameeyay Dagaallo Ka Dhacay Gobolka Xamaah.

Dimishiq (Raacdo.com):- Dagaalyahannada kacdoonka ka wada dalka Suuriya ayaa maalintii shalay qabsaday laba degmo oo hoos yimaada Gobolka Xamaah ee badhtamaha dalkaasi, kadib dagaallo xooggan oo halkaas ka dhacay.

Saraakiil kacdoon-wadayaasha u hadlay ayaa waxay sheegeen in Ciidamada Nuseyriyada ay kala wareegeen degmooyinka kala ah Mucarkabah iyo Laxaaya ee gobolkaas ka tirsan, wakhti diyaaradaha dagaalka ee Ruushka intii uu dagaalku uu socday ay si ba’an u duqeynayeen degganadaasi.

“Waxaan dilnay tiro badan oo ka tirsanaa Ciidamada Nidaamka, waxaanan qabsanay gaadhi Taangi ah, hub fud fudud iyo Bakhaar ay ka buuxaan saanad Milleteri” ayuu yirdh Sarkaal lagu magacaabo Abuu Cumar oo warbaahinta kula hadlay Gobolka Xamaah.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in qabsashada xoogagga kacdoon wadayaasha Suuriya ee labadaas degmo ay u sahli karto inay sii qabsadaan deggaanno kale oo ku yaalla Baadiyaha waqooyi ee Gobolka Xamahaas, halkaas oo dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay ay ka socdeen dagaallo culus, kadib markii Ciidamada Bashaar Al-Asad oo taageero ka helaya diyaaradaha dagaalka ee Dowladda Ruushka ay xamlo kusoo qaadeen goobaha ay gacanta ku hayaan kooxaha kacdoonka.

Dhinaca kale diyaaradaha Ruushka ayaa waxay weli sii wadaan duqeymaha ay ku garaacayaan deggaanada ay ku badanyihiin dadka rayidka ah ee dalkaasi. Maalintii shalay waxay diyaaraduhu duqeeyeen magaalooyin ka tirsan Gobollada Ximis, Xammaah iyo Idlib.

Wararku waxay intaas ku darayaan in duqeyn ka dhacday tuullooyin hoos yimaada Mandiqadda Jabalu Zaawiyah  inay ku dhinteen Seddax ruux, halka 15 kalena ay ku dhinteen duqeyn ka dhacday magaalada Talbiisa ee gobolka Ximis.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *