Aqoon-korodhsiHalkan ka daawo su'aalihii shalay jawaabahoodii. Mahadsanid

Posted by Musa Dalmar on Thursday, April 16, 2015

KA BOGO: Muuse Dalmar Oo Ka War-celinaya Waydiimihii Uu Inna Soo Waydiiyey (AKHRISO + DAAWO)

Dhammaantiin waad mahadsan tihiin. Waxa ii muuqata in dhammaan laga wada jawaabay su’aalihii.

 

  1. Waxa si fiican uga wada jawaabay Ruqiya Budle, M.m. Madar iyo Jama Mohamoud Omar. Waxa aynu u baahannahay in la kala saaro bilaha xilliga Soomaalida oo xoolo dhaqatada la socda iyo kuwa diinta raadka ku leh.
  2. Bisad, dinnad, mukulaal, yaanyuur iyo basho
  3. Goobaale

 

Labada su’aalood ee danbe waxa si waafi ah uga jawaabay macallin Ismail Shafec iyo M.m. Madar.

 

Dadka kale way dadaaleen, waanay wada mahadsan yihiin.

 

Jawaabta u horraysaa waa tan, aniga oo ka soo xigtay buugga Shirrabid hal-abuur ee uu qoray Mohamed Hirsi G Abdibashir:

 

1.1. Xillitirsiga Soomaalida

Soomaalidu waxay tidhaahdaa: ”Haddii aad rabto inaad qof talo waydiiso, marka hore waxaad waydiisaa saddex su’aalood. Haddii uu saddexdaa su’aalood garto, waa qof lala tashan garo. Balse hadduu garan waayo su’aalahaas waxba ha waydiinin. Saddexda su’aalood waxay kala yihiin; cimrigiisa, bisha lagu jiro markaas ta ay tahay iyo maalintu tay tahay. Qofka laga hadlayaa wuxuu ahaa qof baadiye ku nool oo aan haysan qalab uu waxaas kala socdo.

 

Haddaba garanay qofka cimrigiisa iyo magaca maalinta la waydiiyey, ee maxay tahay bishan la waydiiyey?. Nasiib xumo maanta dadka soomaaliyeed intooda badan waxay yaqaanaan bilaha Miilaadiga ee ka soo jeeda dhaqanka reer galbeedka(Diinta Kiristaanka), mana yaqaanaan bilaha dhaqanka u ahaa umadda soomaaliyeed. Taasi waa nasiib darro weyn sida runta ah.

Habase ahaatee, somalidu waxay leedahay laba xilli dhaqameed oo ay midna ku cibaadaystaan midna xoolaha ku dhaqdaan. Kan lagu cibaadaystaa waa xilliga Dariiqal-Islaamka oo laga eegto dayaxa. Waa 12 bilood oo bil dayaxeed ah, kana koobma qiyaastii 354 habeen. Wuxuu ka bilaabmaa bisha xurmada leh ee Muxarram oo afsoomaliga ku leh laba magac. Gobolada qaar waa Seko, gobollo kalena waxaa looga yaqaan Addo. Sanadka islaamku wuxuu ku dhammaadaa bisha Xajka ee soomaalidu ku magacawdo ARRAFO. Waxaana ka mida bisha la soomo ee RABADAAN. Axkaan badan oo xagga diinta ah ayaa ku xidhan bilaha Dariiqal- Islaamka. Bil kasta oo ka mid ahina waxay leedahay magac soomaali ama dhawr magac soomaali. Bal baro bilahaas, siday u kala horreeyaan iyo magacyadooda carabi iyo Somaliba. Waa kuwan:

  1. Al-muxarram = bil Seko ama Addo. (Bishan waa la weyneeyaa xagga diinta islaamka)
  2. Al-Safar= Bil Safar
  3. Rabiicul-awal = Bil mawliid.
  4. Rabiicul-taani = Rajal ama Maalmo-doon
  5. Jamaadul-awal =Rajal dhexe
  6. Jamaadul-Taani = Rajal danbe
  7. Rajab = Sabuux,

8.Al-shacbaan =Waabariis, ama Shabcaan ama soon-dheere

9.Ramadaan =  Soon, ama soon-qaad  ama Rabadaan

  1. Shuwaal = soonfur
  2. Dul-qacda = Sadataal.
  3. Dul-xijja =Arrafo.

 

Afarta bilood ee kala ah, 1aad, 7aad, 11aad iyo 12aad waxaa laysku yidhaa bilaha xurmada leh.

 

Xilliga kale waa xilli dhaqameedka roobabka iyo xoolo dhiqidda. Wuxuu ka koobanyey 12 oo isku ah 365 cisho/habeen. Waxaana loo qaybiyaa afarta xilli ee kala ah, Xagaa, Dayr, Jilaal, Gu’. Xilli waliba wuxuu ka koobmaa saddex bilood oo min 91 habeen ah. Intaasi waa isku 364 habeen, 4X91=364. Habeenka dhimanina waa habeenka kala wareega sanadka. Sanadka cusub ee Soomaalidu wuxuu soo galaa xilliga xagaaga, bishiisa koowaad ee loo yaqaano “Samaloho”, Waxaanu dhammaadaa guga bishiisa saddexaad ee Dirir-sagaala. Sanadku wuxuu bilaabmaa habeenka loo yaqaan “Nayruushka” ama “Dab-tuurka” ama “Dabshidka” Gobolba waa siye. Wuxuu ku beegmaa dhammaadka bisha July ee sanadka reer galbeedka ama bilawga Augost.  Sanad walba waxaa loogu magac daraa habeenka uu soo galo. Marka la yidhaahdo caawa waa Nayruush, dadka xoolo dhaqatada ahi way tiriyaan maalmaha oo way xafidaan tirade. Marka Nayruushka laga joogo 130 am 120 habeen ayaa SUMALKA lagu daraa idaha. Iduhu waxay ilmaha caloosha ku sidaan shan bilood (150 habeen), markaa waxay dhalaan bisha CAWL ee Gu badhtankii. Xilli dhaqameedku waa xillitirsi koobaya dhaqan badan iyo taariikh cajaa’ib ah. Haddii aan la noolaynna dhaqan badan ayaa la dhimmanaya. Waana kuwan bilaha iyo xilliyada ay ku beegmaan:

 

Xagaaga:

Samaloho  from july

Karan  Aug-sept

Waranweer To Oct

 

Dayrta:

Dayr halalood from Oct

Dayr dambasame Nov-

Dayr Gudbane To December 21

 

Jilaal/Diraac

Xays  from December 21

Todob  Jan-Feb

Daydo/Diraac  To Mars 21

 

Gu

Seerma weydo from Mars 21

Cawl (dirir-cawleed) May

Dirir Sagaala  T June 2

 

Xilliyada Guga iyo Dayrtu waa xilli roobaadyo, loo bartay barwaaqo. Xilliyada Xagaaga iyo Jilaalku waa xilli abaareedyo, loo bartay harraad iyo abaaro.

 

Fiiro gaar ah: inaan wakhtiga Soomaalida halkan kaga sheekeeyo waxaa igu kellifay gabayga soo socda ee “Cabdilqaadiroow guul Allee” oo ku yimid qiso la xidhiidha xilli gedmaday.

 

Cabdilqaadiroow guul Allee, roobka gabadhleeyey

Ee guri Sanaagiyo ka da´ay, gobolladii hawdka

Gallad weeye eebuhu markuu, goosto bixiyaaye

Waase dayr gabaabsiday haddeer, goorta uu yimiye

Gudban waa bishii loo yiqiin, gacallehaygoowe

Gadaal waxa ka raacaana waa gubane jiilaale

Maxaad waa gu weeyaan u tidhi, guunna waad taha




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *