Jihaadiyiinta Maali Oo Ku Guudiyey Xoojinta Weerarrada Ay Ku Hayaan Faransiiska

Maali (Raacdo.com):- Amiirka Xarakada Ansaaru Diin ee ka tirsan xoogagga Mujaahiiinta ee ka dagaallama dalka Maali Sheykh Iyaad Agha Ghaali ayaa soo diray farriin Maqal ah oo uu kaga hadlay marxaladda siyaasadeed ee dalkaasi uu maraayo iyo heshiis dhawaan ay gaadheen Dowladda Wadanka Maali iyo Xarakada Calmaaniga ee Azawaad.
Sheykh Iyaad ayaa sheegay in heshiiskii bishii June ka dhacay dalka Al-Jazaa’ir ee loogu magac daray “Dhabbihiii Nabadda & Dib-uheshiisiinta” inuu ka dhignaa mid dhulka Azawaad loogu gacan-gelinayo gacanta Xukuumadda Maali iyo Dowladaha reer galbeedka ee Faransiisku ugu horreeyo, isagoo tilmaamay in qodobadii heshiiskaas kasoo baxay ay qeexayaan in Xarakada Azawaad ay ka tanaazushay Xuquuqda dadka ku nool Gobolkaas, ayna aqbashay waxa ay u yeedhiyeen Gaallada Qaramada Midoobey iyo dalalka ay Ciidamadoodu joogaan dalka Maali.
Farriintiisa Sheykh Iyaad Ghaali waxa uu ku amaanay xilligii ay Mujaahidiintu maamulayeen dhulkaasi Saddex sano ka hor, wuxuuna xusay in magaalooyinkii gacantooda ku jiray ay ku xukumayeen Shareecada islaamka, isla markaana dadkii ku hoos noolaa ay heleen nabad iyo ammaan buuxa, balse ay arrinkaas cagta ku dhufteen Dowladaha Gaallada, iyagoo duullaan kusoo qaaday buu yidhi Imaaradii islaamiga ahayd ee dhulkaas ka talineysay.
Sidoo kale waxa uu Sheykhu hambalyeeyay weerarradii ugu dambeeyay ee dhowaanahan ay la kulmayeen Ciidamada Gaallada Faransiiska iyo kuwa Xukuumadda daba dhilifka ah ee Maali, isagoo wacad ku maray in Mujaahidiintu ay sii dardar gelin doonaan howl-galladooda ka dhanka ah Saliibiyiinta Faransiiska, si ugu dambeyntii loogu qasbo ayuu yidhi inay ka baxaan dalkaasi.
Jamaacada Jihaadiga ee Ansaaru Diin waxay ka mid tahay Jamaacaatka Jihaadiga ee horraantii sanadkii 2012 qabsaday dhul ballaadhan oo ku yaalla waqooyiga dalka Maali, halkaas oo ay ka dhiseen Nidaam Islaami ah oo wax ku maamulayay Shareecada Islaamka.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *