Jaaliyadda Somaliland Oo Gudbisay Mooshin Lagu Dalbanayay Mataanaynta Bristol Iyo Berbera

Jaalliyadda Somaliland ee magaalada Bristol ee dalka UK ayaa u gudbiyey golaha deegaanka ee magaaladaas mooshin ku saabsan sidii loo mataanayn lahaa magaalooyinka Bristol iyo Berbera.

Safiirka wareega ee Somaliland Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo hogaaminayay masuuliyiintii mooshinka u gudbiyay golaha deegaanka ee magaalada Bristol oo ka hadlay arrintaas ayaa yidhi, “Jaaliyada Somaliland ee ku Nool Magaalada Bristol ayaa galabta (shalay) u Gudbiyay Golaha Deegaanka ee Bristol Mooshin lagu dalbanayay mataanaynta magaalooyina Bristol iyo Berbera. Shirkan oo ka dhacay Xarunta Golaha Deegaanka Magalaada Bristol oo ay ku sugnaayeen Xildhibanaada Bristol iyo Labada Mayor ee Bristol oo kala ah Lord Mayorka Alastair Watson iyo Maayar George Ferguson ayaa waxaa Marwo Nuura Cumar Guudle ay si faahfaahsan ugu sharraxday inay Muhiim Tahay in la mataaneeyo Labada Magaalo, waxaanay halkaas ka akhriday qoraalkii lagu dalbanayay arrintaas.”

Danjire Kaysar isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku kabay “Maayarka George Ferguson oo Arrinkaas ka hadlay ayaa sheegay inaanu ka soo horjeedin Mataanaynta Labada Magaalo, laakiin loo baahan yahay in xaga Hoose laga soo bilaabo oo Iskuulada, Cisbitaalada iyo Bulshooyinka Labada Magaalo la isku xidho marka hore ka dibna Mataanaynta la sameeyo.

Waxaan si balaadhan ugu Mahadnaqayaa Jaaliyada Geesiyaasha ah ee reer Bristol, gaar ahaan Marwo Nuura Cumar oo Hawshan gacan weyn ka geysatay, kana soo shaqaysay arrintan, waxaa kale oo aan u Mahadnaqayaa Xubnihii kale ee ka yimi Magalada Cardiff oo uu Hormuudka u ahaa La Taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha Ganacsiga Mudane Axmed Xasan Carwo, Mudane Cabdikariim iyo Xubnihii kale ee la socday.

Waxay ahayd Maalin Aad u Farxad badan oo Jaaliyada reer Bristol iyaga oo Midaysan ay isku duubni ugu muujiyeen dal Jacaylkooda iyo Wadaniyadooda, Waxaanan usoo Jeedinayaa Jaaliyada kale ee Somaliland ee Dunida Dacaleeda ku nooli inay ku daydaan reer Bristol, una hawl galaan sidii Horumarka Dalkooda ay gacan geysan lahaayeen.”

Nuura Cumar Guudle, oo munaasibadaasi ka hadashay ayaa hadalkkeeda ku bilowday, “Aadbay farxad noogu tahay annaga iyo golaha deegaanka Bristol oo ka hadlayna Berbera iyo Bristol sidii loo midayn lahaa xagga waayo aragnimadana ay Bristol uga faa’iidaysan lahayd, si kasta oo ay ku caawin karto Berbera ay ku caawiso. Maanta (shalay) waa bilaw keliya waxa iman doonta in laga sii wada-hadlo ugu dambaynna ay iman doonto goleyaasha oo ay kaga dooddi doonaan.”

La-taliyaha madaxwaynaha arrimaha dhaqaalaha madaxwaynaha Somaliland Axmed Xasan Carwo oo ka mid ahaa masuuliyiinta xukuumadda Somaliland ee madashaasi ka hadalay ayaa isna yidhi, “Aad baan ugu faraxsanahay inaan soo gaadho munaasinadan oo ah go’aan lagu mataanaynayo labada dekedood ee Berbera iyo Bristol, waana guul u soo hoyatay Somaliland, mar walba talaabada aynu qaadnaa waxay ina tusaysaa inaynu nahay dad hore u socda.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *