Itoobiya Oo Xaqiijisay In Hogaamiyaha Jabhada ONLF C/ Xakiin Sheekh Muuse ( Qalbi Dhagax) Dawlda Somaliya Usoo Gacangalisay WARBIXI

Wargeyska Ethiopian Observer; ayaa war kooban oo uu daabacay waxa uu ku sheegay in nin uu ugu yeedhay Fallaago C/ Xakiin Sheekh Muuse; uu u gacn galy dowladda Itoobiy, iyda oo diyaarad Millateri looga soo qaaday Soomaalia ayaa la geeyey Qalbi garoonka diyaaradaha ee magaalada Bishoftu ee dalka Itoobiya, sida uu sheegay Wargeyska Ethiopian Observer.Sidaas oo kale waxa uu wargeysku sheegay in Cabdixakiin Qalbi dhagax uu dagaal kula jiray itoobiya illaa 1984.

qalbi

Sida laguu sheegay warka lagu daabacay Ethiopian Observer; gacan gelinta Cbdixkiin waxa fududeeyey dowladda Soomaaliya.

C/ Xakiin Sheekh Muuse ( Qalbi Dhagax) oo sida la sheegay kamid ahaa jabhadda Waddaniga ah ee xoreynta gobolka Ogaden (ONLF) Ogaden National Liberation Front; dhowaana ay ciidanka nabad sugidda Galmudug ka soo qabteen gobolka Mudug, kadibna ay la soo wareegtay hay’adda nabad sugidda soomaaliya keentayna Muqdishoo ayaa xog aan helnay waxa ay sheegeysaa in uu u gacan galay sirdoonka Itoobiya.

Diyaarad gaar ah oo ah nooca yar ayaa looga qaaday Muqdisho; kadibna waxa lageeyey magaalada Baydhaba ee maamulka KGS; halkaas oo uu ku yaallo saldhig weyn oo ay leeyihiin ciidanka Itoobiya.

Madax katirsan dowladda Soomaaliya ayaa la socday diyaaradda C/ Xakiin Sheekh Muuse; geysay Baydhaba, kadibna sida ay xogtu sheegeyso waxa ay la sii raaceen diyaarad kale oo ka qaatay C/ Xakiin Sheekh Muuse; magaalada Baydhaba.

Madax ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya; maamulka gobolka Banaadir iyo xubno kamid ah golaha shacabka ayaa ka sii horreeyey qaadidda C/ Xakiin Sheekh Muuse; kuwaas oo hadda ku sugan Adisababa. Madax ka tirsan maamulka KGS; ayaa xaqiijiyey in C/ Xakiin Sheekh Muuse; loo duuliyey magaalada AdisAbaba.

Warbaahinta Gudaha ee Itoobiya ayaa aad u hadal haya Sheekada ku saabsan u gacan gelinta Itoobiya ee Sarkaalkan katirsan Jabhada ONLF ee dhulka Ismaamulka Somalida ee Itoobiya ka dagaalmeysay tan iyo 1984-tii.

Xukuumadda madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Raisalwasaare Kheyre ayaa noqoneysa dowladdii ugu horreysay ee qof Soomaali ah u gacan geliso Itoobiya iyada oo aanay jirin wax heshiis ah oo ku saabsan isu celinta eedeysanayasha oo u dhexeeya Soomalaiya iyo Itoobiya.

Xigasho: Boramenews




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *