In Ka Badan 60 Askari Kenyaati Ah Oo Lagu Laayey Dagaalkii Saaka Ka Dhacay Deggaanka Ceel-cadde.

Muqdisho (Raacdo.com):- Sidaanu horeyba idiinku soo sheegnay ciidamada Al-Shabaab ayaa saaka dagaal culus kula wareegay deggaanka Ceel-cadde iyo saldhiggii ay deggenaayeen ciidamada Kenya ka dib dagaal qadhaadh oo halkaas ka dhacay, Waxaana lagu soo waramayaa in khasaare xooggani uu ka dhashay dagaalkaasi.

Weerarkan oo ahaa mid si heersare ah loo soo qorsheeyey ayaa ku bilowday weerar is-miidaamin ah, ka dibna waxaa xigay weerar kale oo xoog-ku-gal ah oo ay fuliyeen guuto magacooda lagu sheegay Saalax Nabhaan.

Ciidamadii Kenya ee ku sugnaa xerada ayaa intooda badan lagu dilay dagaalka, halka intii soo hadhayna ay u baxsadeen dhanka hawdka halkaas oo la sheegayo in weli firxadkooda lagu sii baacsanayo.

Saraakiisha Al-Shabaab ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in gudaha saldhigga lagu arkay meydadka in ka badan 63 askari iyo gaadiid fara badan oo qaarkood ku shuf-beelay weerarkii u horreeyey ee naf-hurnimada ahaa ee ka dhacday xerada gudaheeda.

Sidoo kale Hubkii iyo gaadiidkii ay ka yaaceen ciidamada Kenya ayay la wareegeen xoogagga Al-Shabaab, Waxaana la sheegayaa in halkaas lagula wareegay saanad hub ah oo aad u fara badan oo ay Tawaangida dagaalku ku jiraan.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay war ka soo saaraan dagaalkaas iyo khasaaraha la gaadhsiiyey ciidamada Kenya.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *