In Ka Badan 1000 Qof Oo Muslimiin Ah Oo Lagu Dilay Gudaha Barma Muddo Sannad & Badh Ah

Myanmar (Raacdo.com):- Warbixin uu u soo gudbiyay saxafiyiinta wakiilka gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan Barma ayaa lagu sheegay in dalkaasi lagu dilay 1100 qof oo muslimiin ah kuwaas oo isku dayay in ay ka cararaan dhibaatooyinka lagu hayo in ka yar Labo sanno.

Saxafiyiin gaar ah iyo dad u dooda xuquuqul insaanka ayaa soo gudbiyay warbin lagu sheegay in dalka Myanmar lagu dilay 1100 qof oo ka tirsanaa muslimiinta Rohinga.

Xasuuqaan ayaa dhacay intii u dhaxaysay bishii January ee sanadkii 2014 illaa June 2015 -kii sida uu sheegay ninka u qaabilsan QM xuquuqul insaanka oo lagu magacaabo Yagi Li.

Li ayaa sheegaya in muslimiinta Rohinga ay weli ka cararayaan dadka Buudistaha ah ee ku nool Myanmar, waxayna raadinayeen goobo ay kaga bad-baadaan dhibaatadaasi, Yangi oo sii hadlayay ayaa tilaamaya in bilawgii sanadkan ay dalkaasi ka baxeen 31 Kun oo qof .

Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in maamulka Barma lagu sameeyay isbadallo balse wali wax nolol wanaagsan ah ma aanay helin muslimiinta Rohinga.

Kooxdan ka socotay Qaramada midoobay ayaa sheegaya in xukuumadda Myanmar ay u diiday in ay galaan gobolka Arakaan oo ay ku nool yihiin muslimiinta Rohinga, waxaa kale oo loo diiday in ay waraystaan dadka muslimiin ah oo ay kula kulmeen meelo ka baxsan gobolkaasi.

Yangi Li ayaa ka sheekeeyay xaaladda adag iyo tacadiyada lagu hayo dadka muslimiinta Rohinga wuxuuna sheegay in dadkaasi loo diiday waxyaabaha aas-aasiyaadka ah sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo in ay sameeyaan wax socdaal ah oo gobollada kale ay ku tegi karaan.

Isagoo sii hadlayay ayuu tilmaamay in xattaa loo diiday muslimiinta waqooyiga Arakaan in ay guursadaan oo hadii ay u baahdaan guur waxay raadsanayaan ruqso, waxaana loo diiday in ay dhalaan wax ka badan Labo cunug iyagoo sidoo kalena loo diiday xuquuqda siyaasadda, waxaana laga mamnuucay in ay isku soo sharraxaan wax jago ah oo dalkaas ka mid ah.

Sidoo kale dalkaas waxaa ku baahay khudbooyinka ku salaysan nacaybka iyo rabshadaha ka dhanka ah muslimiinta Rohinga, Iyadoo xag-jiriinta Buudiyiintu ay wadaan ol-ole ay ku shaacinayaan “Aan dilno oo aan gubno Rohingo” Iyadoo xukuumadda dalkaasi aanay waxba ka qabanaynin arrimahaas.

Yang Li ayaa Qaramada midoobay ka dalbaday in dalkaas laga sameeyo isbadallo si ay u helaan xuquuqdooda muslimiinta Rohinga.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *