Iiraan Oo Saraakiil Hor Leh Lagaga Dilay Dalka Suuriya.

Dimishiq (Raacdo.com):- Wararka ka imanaaya Iiraan ayaa sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay ay sii kordheen dhimashada askarta u dhalatay dalkaasi ee duullaanka ku jooga dalka Suuriya.

Ilo-wareedyo u dhashay dalka Iiraan ayaa shaaca ka qaaday in la dilay sarkaal ka tisanaa waxay ay ugu yeedheen Liwaa’u Faadimiyiin oo lagu magacaabi jiray Mustafe Sadar, kaas oo lagu dilay dagaallo ka dhacay magaalada Xalab.

Sidoo kale warbaahinta Iiraan ayaa sheegaysa in la dilay Maxamed Miilaadi oo isna ka tirsanaa ciidamada loo yaqaan Baasij, kaas oo lagu dilay koonfurta Suuriya inkastoo aanay warbaahintu sheegin sababta uu u dhintay.

Dhinaca kale warbaahinta ayaa sheegaysa in maalmaahan dawladda Shiiciga ah ee Iiraan askar badan lagaga dilay gudaha Suuriya, waxaana ka mid ah askarta kaga dhimatay Suuriya sarkaal ka tirsanaa ilaalada gaarka ah ee hoggaamiyihii hore ee dalkaasi Maxamed Axmedi Nijaad oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Baaqiri.

Dhimashada askartan ayaa imanaysa xilli uu shalay shaaca ka qaaday sarkaal sare oo qaabilsan isku xidhka waxa loogu yeedho ciidamada kacaanka Iiraan Ramadaan Shariif in ay kordhin doonaan ciidamada ka jooga gudaha Suuriya.

Wakaaladda wararka Faaris ee laga leeyahay dalkaasi ayaa kasoo xigatay Ramadaan Shariif oo sheegay in kordhinta ciidamada ay ku salaysan tahay hadba sidii munaasab ah, loona fiirinayo marxaladaha uu marayo dagaalka dhanka dhulka ah ee dalka Suuriya.

Siraad News oo ah Bar Internet oo baahiya wararka Iiraan ayaa isna sheegaya in la dilay Radaa Hawaari oo ka tirsan ciidamada Kacaanka kana dagaalamayay sufuufta ciidamada nusayriga ah ee Asad.

Isla mawqica Siraad News ayaa sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay ay ku dhinteen ciidan kor u dhaafaya 8  Askari dagaallada ka holcaya dalka Suuriya.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *