Hoggaamiye Sare Oo Laga Dilay Kooxda Ansaaru Shareecah Ee Dalka Liibiya.

Daraabulis (Raacdo.com):- Jihaadiyiinta Ansaaru Shareeca ee ka dagaallama qeybo badan oo ka mid ah dalka Liibiya ayaa sheegay inuu shahiiday hogaamiye sare oo iyaga ka tirsanaa.

 

Bayaan kasoo baxay hoggaanka guud ee Jamaacada oo baraha Internet-ka lagu baahiyey ayaa lagu sheegey inuu shahiidey hogaamiye Mansuur Ash-shaclaali oo loo yaqaaney Haaruun.

 

“Quluub uu Iimaan buuxiyey, isla markaana yaqiinsan ballan-qaadka Allaah ee ah inuu guusha siinayo Mujaahidiinta, ayay Ansaaru Shareecah waxay ku dhawaaqeysaa geerida Faariskii dhex-dabaalan jirey dagaallada, iyo geesigii rogaal celiska badnaa Hogaamiye Mansuur Al-Shaclaali- Haaruun” Ayuu Lagu Yidhi Bayaankan.

 

Bayaankan ayaan lagu sheegin qaabka uu u dhintey hoggaamiyahani iyo halka uu ku geeriyoodey intaba, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in maalinimadii Axadda hogaamiyahan lagu dilay dagaal ka dhacay magaalada Bangaazi.

 

Ansaaru Shareeca waxay sheegtey inay kusii sugnaan doonto wadadii uu ku baxay hogaamiyahaasi iyo kuwii isaga ka horeeyey oo uu ku jiray Hogaamiyihii guud ee Jamaacada Muxamed Az-Zahaawi, iyadoo bayaanka lagu sheegey in Jihaadkoodu aanu maalinna ku xidhnaan doonin geerida hogaamiye iyo qof la mid ah.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *