Hoggaamiyaha Daalibaan Oo Jeediyey Kalimad Cusub, Kana Hadlay Arrimo Xasaasiya

Kaabul (Raacdo.com):- Amiirka Imaarada islaamiga Afghanistan Al-Mulla Ikhtar Mansuur ayaa soo diray Farriin Maqal ah oo arrimo kala duwan uu kaga hadlay, iyadoo farriintaasi lagu faafiyay baraha Internet-ka ee Imaarada.

Sheeykh Al-Mulla Ikhtar Mansuur ayaa kalimaddiisa waxa uu ku sheegay in Mujaahidiinta Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan ay ka go’antahay inay sii wadaan dagaalka Jihaadka ah ee ay kula jiraan Ciidamada Saliibiyyiinta NATO, tan iyo inta Ciidamada soo duulayaasha ah ay dalkaasi isaga baxayaan, isla markaana dalka Afghanistan laga dhiso Nidaam Islaami ah oo wax ku maamula Shareecada Islaamka.

“Hadafka asaasiga ah ee Daalibaan waa Tadbiiqinta Shareecada islaamka, dagaalka Jihaadka ahna waan sii wadi doonaa, inta aan ka xaqiiinayno yoolkaasi” ayuu yidhi Al-Mulla Ikhtar Mansuur.

Hogaamiyaha Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan waxa farriintiisa uu ku weeraray Xukuumadda Kaabuul, isagoo ku dhaleeceeyay inay qalinka kusii duugayaan heshiisyo hor leh oo Ciidamada gumeysiga Saliibiyiinta ah u ogolaanaya ayuu yidhi inay dalka sii heystaan.

Sheekh Mulla Ikhtar Mansuur waxa uu sidoo kale baaq u jeediyay ciidamada Afganistan ee la shaqeeya ciidamada Shisheeyaha, waxaanu ugu yeedhay inay kasoo baxaan Sufuufta Gaallada, kuna biiraan Safka Mujaahidiinta, wuxuuna u ballan-qaaday in Mujaahidiintu ay nabad-gelin doonaan cid kasta oo kasoo noqota falkii gaallo-raacnimada ahaa ee markii hore ay ku jirtay.

Dhinaca kale Amiirka Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan waxa uu kula hadlay Ciidamada imaarada, isagoo kula dar-daarmay in aanay howl-galladooda ku dhibaatayn dadka Shacabka ah, kana digtoonaadaan daadinta dhiigga Muslimiinta.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *