Hay’adda UNHCR oo sheegtay inay dib u soo celinayso qoxooti Soomaalida Ah

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qoxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa shaacisay inay soo celinayso 100 qof oo qoxooti Soomaaliyeed ah oo ka mid ah kuwa ku nool xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Guddiga sare ee UNHCR ayaa warbixin ay toddobaadkan baahiyeen ku xusay in isku diyaarinta dib u soo celinta qoxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya ku nool ay weli socoto.

Sidoo kale, UNHCR ayaa warbixinteed ku xustay in dadkii ugu horreeyay oo gaaraya 100 qof la qorsheynayo in bishan sideeddeeda oo berri ku beegan dib loogu soo celiyo Soomaaliya.

Dalka Kenya ayaa waxaa ku nool 600,000 oo qoxooti Soomaaliyeed ah oo ka cararay colaadaha iyo abaaraha ka jiray Soomaaliya muddada 22-sano kor u dhaafaysa, kuwaasoo intooda badan ku nool xeryaha deegaanka Dhadhaab-Kenya ku yaalla.

Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Ifo, Xagar-dheer iyo Dhagaxley ayaa qaar ka mid ah waxay xeryahaas ku noolaayeen muddo fog, iyadoo ay ku jiraan carruur ku dhashay xeryaha oo iyaguna ilmo ku dhalay.

Xukuumadaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa horay ugu heshiiyay in la bilaabo qorshe dib loogu celinayo qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha dalka Kenya, inkastoo heshiiskaas uu dhabar-jab xooggan ku yimid.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *