Haweenay Kenyaati Ah Oo Geeriyootay Kadib Markii Loo Keenay Maydka Wiilkeeda Oo Sarkaal Ahaa

Konistaybol Bareyn Malasi oo ah Sarkaal ka tirsan Police-ka Kenya oo maalma ka hor lagu dilay weerar ay ciidamada Al-Shabaab ka fuliyeen deggaanno ka tirsan gobolka Garissa ayaa lagu aasay deggaanka uu ka soo jeedo ee Nigeeti.

Malasi wuxuu ciidamada Police-ka ku biiray sanadkii 2015-ka, Wuxuuna tababar ku soo qaatay kuliyadda ciidamada Police-ka ee Kiganjo, iyadoo ugu dambeyntii loo soo wareejiyey saldhigga Police-ka Bodhaay ee gobolka Garissa halkaas oo uu ka tirsanaa ilaa ugu dambeyntii uu ku baxay gacanta Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Sarkaalkan iyo Shan kale oo saaxiibadiis ah ayaa lagu dilay weerar dhabbo-gal ah oo 15-kii August ee sanadkan ay Xoogagga Al-Shabaab ka fuliyeen wadada isku xidha Boodhaay iyo Ijara ee gobolka Garissa.

Hal Askari oo kaliya ayaa ka bad-baaday weerarkaas sida ay sheegeen Saraakiil u hadashay Police-ka Kenya, waxaana sidoo kale lagu burburiyey gaadhi ay ay ciidanku wateen.

Taliyaha ciidamada Police-ka ee gobolka Garissa David Karina ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadu ay wateen gaadhi Land Cruiser ah xilligii la weerarayey, ayna ku dhaceen weerar dhabbo-gal ah.

Taliyahan ayaa sheegay in bakhtiga sarkaalkan ay ku wareejiyeen reerkiisa balse wuxuu sheegay in uu la kulmay arin kale oo fajaciso ah.

Wuxuu tilmaamay in hooyada dhashay Sarkaalkan uu shoog ku dhacay, horayna ka geeriyootay markii ay aragtay meydka wiilkeeda taas oo ku noqotay arin kale oo musiibo ah.

“Waan argagaxay markii la igu soo wargeliyey in ay dhimatay hooyada dhashay sarkaalka la dilay oo aan waxyar ka hor isla abaabulaynay aaskii loo sameyn lahaa Sarkaalka. Durbaba markii ay indhaha saartay meydka wiilkeeda horay ayey ka argagaxday, weyna geeriyootay” ayuu yidhi taliyaha ciidamada Police-ka ee gobolka.

Warbaahinta Kenya waxay sheegaan in ku dhawaad 50 askari oo ka tirsan ciidamada dowlada Kenya lagu dilay qaraxyada iyo weerarrada dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ay Mujaahidiintu ka fuliyeen gobolada xeebta iyo NFD.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *