“Hablo Tahriibay waxa qabsaday Qolo Madow ah.. Waxay yidhaahdeen waan isku Caddaynaynaa..” Sheekh Dirir

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa sheegay in qofka islaamka waajib ku tahay inuu sharaftiisa ilaaliyo,  laakiin, qofku markuu dalkiisa iyo diintiisa ka tago, una tahriibo oo gacmaha hoos dhigto dhul gaalo, sharaftiisi wuu lumiyey.

Sheekh Dirir oo muxaadaradan kaga hadlay dhibaatooyinka tahriibka, iyo xumaanta qofka taga kala kulamyo dhulka gaalada ayaa sheegay in nimcada ugu weyn ee qof Ilaahay siiyo tahay markuu nabadgelyo, caafimaad qab waagu ugu beryo isagoo dalkiisii la jooga qoyskiisa, masaariifta ku helayo, waxaanu ku bilaabay;

“Muxaadaro hore waxanu kaga hadalnay dhibaatooyinka haysta dhinac walba dadka dibedaha innaga jooga, si kuwa ku sii socda waano iyo wax ku qaadasho ugu noqoto, laakiin, marka dambe fikrado kala duwan ayey ka bixiyeen dadkii dibedahu qaar yidhaahda Walaahi dhibaatooyin aynaan dareensanayn oo dadka kale arkaan ayaa inna haysata, markaa waa lagama maarmaan innaynu wax ku qaadano, waxna ka bedelo, qaar kalena waxay yidhaahdeen Sheekhu wuu innagu yara tuuray, ka dib markaan u tegay waxay yidhaahdeen immika sidii hore kuugu warami mayno.

Arrimahan aynu ka waramayno dad badan ayaa runtii iigaga xog-ogaalsan, oo meesha degan, culimmo, aqoonyahan iyo mutacalimiin-ba leh, way badan yihiin qaarkood way fadhiyaan, qaarkoodna waxa laga yaaba inay ka dhegeysanayaan qalabka layska maqlo, laakiin, sida ummadeena u badan tahay waxa laga yaabaa in qaarkood yidhaahdaan aan kula soo eego, oo dadka ehelkooda uga warama dhibaatooyinka dibedaha ka jira, laga yaabo in la dhegeysan waayo oo la yidhaahdo, adiguba waad tagtay, oo ka shaqeysatee, aanu kula soo eegno.

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey asbaabaha ku kalifay mowduucan iyo muhiimadiisa ayaa yidhi, “Sababaha aan uga hadlayo dhibaatooyinka qurbaha waxa keenay inay ka mid ahayd fariimahii dadka dibadaha jooga ka codsadeen culimada inay gaadhsiiyaan dadka dalka jooga, oo ummadan halaaga nafahooda ugu soo biimaynaya baddaha, la hadla oo ka wacyigeliya, hadii ummada laga wacyigelin waayana, dhalinyarada keliya maahee, odeyaal iyo islaamo tahriibana way imanayaan.

Sababaha muhiimka ka dhigaya ka digitaanka halista tahriibka waxa ka mid ah oo ummada iyo qofka islaamka u muhiimsan, Ilaahay iyo Rasuulkuna CSW fareen jiritaanka ummada, diintooda iyo dalkooda la xaqiijiyo, ayaa rasuulku CSW isagoo xaqiijinaya jiritaanka ummada islaamka faray in loo hijroodo magaalada Madiina, oo hijradu waajib noqotay, halkaana ummadii islaamka ku walaaleeyey, markii magaalada Makka islaamku qabsadayna waxuu Rasuulku CSW sheegay inaan dib looga qaxi doonin, isla markaana hijrada xilligii hore ma ahayn noocan hunguriga lagu doonayo, laakiin waxay ahayd hijro dar-Ilaahay iyo diintiisa loo socdo, oo dad iyo duunyaba daraadii looga tegayey, ilaahayna sidaa ayuu ku amaanay dadkii muhaajiriinta ahaa.

Ummadahu waxan la yidhaahdo tahriibka waxuu ku keenaa inuu kala lumiyo, ee ummadaha baabi’iya, nimakii reer Saba la odhan jiray, ee quraanka looga hadlay, waxuu Ilaahay ku sheegay waxyaalaha lagu cuqubeeyey in la kala firdhiyey, waxaynu ognahay meesha Falastiin la yidhaahdo, dadkii walaalaheen ee degenaa Yuhuud iyo Kiristaan ayaa ka qaxiyey, markii wakhtigan qaxootigoodii dibedahu batay, waxa laysku haysto waa in Yuhuudu diidan tahay in qaxootiga Falastiin dib ugu soo noqdaan dalkooda, markaa hadii dalkeena ummada yari ku beeran tahay hadii laga qaxo, waxa mustaqbalka iman karta in dad kale dhaxlaan, oo doorashooyin ka galaan, dhalinyaradana la yidhaahdo soo gala janno-dhalanteedka wadamada gaalada. In qoysku iyo ehelkoodu wada jiro oo  diintiisa ku haysto dalkiisa ku haysto waa nimcooyinka Ilaahay bixiyo, in qoysku kala cararo oo midba meel tagana waa dhibaatooyinka yimaada, mana aha faan in qoysaska qaarkood yidhaahdaan caruurtii dhowr ayaa qurbaha jooga oo midba biilka ka soo diraa, laakiin waa masiibo ku dhacday, waxaana caddeynaya xadiiska Nebiga CSW  ku sheegay in qofka nolosha wanaagsan ee nimcaysan ee lagu majeeran karo tahay haysta yahay ka arrimahan ilaahay siiyey, “Qofka waagu u beryo isagoo nabadgelyo haysta, oo caafimaad-qaba, masaariiftiisa helaya oo deegaankiisa jooga, qoyskiisana la jooga,”

Sheekh Dirir ayaa sheegay in qofka islaamka ah waajib ku tahay ilaalinta sharaftiisa, waxaanu yidhi, “Qofka islaamka ah waxa waajib ku ah inuu sharaftiisa ilaaliyo, taasoo ku helay diintiisa, sida Ilaahay quraanka inoogu sheegay, laakiin, qofku markuu dalkiisa iyo diintiisa ka tago, una tahriibo oo gacmaha hoos dhigto dhul gaalo, sharaftiisi wuu lumiyey, sida uu xaqiiqadeeda soo taabtay nin jaamacad ka dhigan jiray Finland, oo keligii ku jiray nin madow, ii sheegay in ardaydu la dhigan jiray u diideen in lagu daro marka kastoo waxbarasho koox koox loo qaadanayo, macalinkiina ku yidhi maxaan kuu qabtaa, annigu kuguma dirqiyi karo, hadday ardaydii ku diideen, waxayna tusaale u tahay in cisiga iyo sharaftu ku jiro dalkaaga.

Xadiis saxeexa ah waxuu nebigu CSW inoogu sheegay, inaan qofka muslimka ah haboonayn inuu naftiisa duleeyo, marka dariiqyada dadka tahriibaya aynu maqalo, waxa xaqiiq ah inuu meel kasta ku dulaysan yahay, hankii qofku lahaa markuu qaxooti noqdo, wuu lumayaa, waxaana dhacaysa, xitaa haduu shaqayso yidhaahdo inuu qabto kuwo liita oo haduu dalkiisa joogo uu ka xaragoon lahaa, ka dibna isku qancinayaa reerkiina wuu ku sugayaa, adiguna waad baahan tahay, cidna kuma arkaysee iska shaqeyso, markaa hankii, wuu lumayaa oo duligaa nebigu CSW inoo diiday ayaa qofka qaxootiga ku dhacaya. Waxa ku dhacaya inuu gaalada ka aqbalo shaqooyin dembi u keenaya, waxa qofka islaamka ah ee dhul gaaleed qaxooti ka noqday ka lumaya wanaag faristii iyo xumaan reebista, oo ah sifo Ilaahay ku amaanay ummada islaamka, laakiin dhulka gaalada maxaad xumaan reebtaa, meeshoo dhan baa wada xumaan ahe.

Dhibaatooyinka soo gaadhaya dadkan tahriibaya, ee ubaxii iyo mustaqbalkii dalkeena ku dhacay, nin aan kula kulmay dibedaha waxuu ii sheegay inuu gaadhi yar kaga shaqeysan jiray Burco iyo Hargeysa, ka dibna intuu iibiyey sannad ku qaadatay inuu soo gaadho Yurub, xilligana aanu waxba ku hayn, balse uu si tuuganimo uga shaqeeyo hudheel, oo go’aansaday inuu shaqeysto lacag uu ku iibsado gaadhigii uu lahaan jiray iyo tigidhkii diyaarada ugu laaban lahaa dalkiisa. Sababaha aynu uga hadlayno waa in wax lagu qaato, nin jooga Sudan waxuu iiga waramay in dhalinyarada tahriibaya hablo iyo wiilal guri wada seexdeen, ka dibna masaajid Sudan ku yaala ayaa khudbad kaga hadlay in gabdho iyo wiilal tahriibaya oon is-qabin guri wada hurdaan ka dibna, shiid dhagxaan kaga saareen, oo dhalinyaradii wiilal iyo gabdho midwalba meel u cararay isagoo kabo la’, hablahiina aanay haleelin inay masar ama shalmad hagoogtaan. Qiso kale, waxuu iigu sheegay in todoba hablood oo tahriibaya ay qabsadeen qolo madmadow oo Nuubiyiin la yidhaahdo, cid ka soo furfurtana la waayey oo yidhaahdeen iska taga kuwan waanu isku caddeynaynaa, marka laynoo eego kuwaanam hablaheenu waxay u noqonayaan CARAB. Muhiimada aynu qisooyinkan u soo qaadayano mayno in lagu qosolo ama ku wiirsanayno, laakiin, waa inaynu u kacno dad iyo dawladba wax ka qabasadeeda.

Illaahay waxaan ka baryayaa in waxa aynu isu sheegayno idinka iyo anniga-ba mid nasteexo iyo niyad-sanaam tallo la socoto, Ilaahayna innagu anfaco. Aammiin.

La soco qaybo kale oo Mawduucan ka mid ah haddii ILLAAHAY yidhaahdo Insha ALLAAH….

Maxamuud Cali Maxamed  (Walaaleeye)




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *