MUQDISHO: Goob Ay Joogeen Ciidamada Somaliya Oo qaraxyo Lagu Weeraray & Askar Lagu Laayey Degmada Huriwaa.

Muqdisho (Raacdo):- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo iyo dilal qorshaysan oo maanta ka dhacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Maanta barqadii ayay xoogag hubeysani weerar Bambaanooyin loo adeegsaday ku qaadeen saldhig galbeed ee degmada Dharkeynleey.

Goob joogayaal ayaa war-fidiyeenka u sheegay in ay maqlayeen qaraxyo waaweyn oo ka dhacay gudaha saldhigga oo xilligaasi ay ku sugnaayeen ciidamada dawladda federaalka Somaliya.

Dhinaca kale xoogag ka tirsan xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa laba askari oo dawladda Xasan Sheekh ka tirsan ku dilay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa.

Dadka deggaanka ayaa sheegay in askarta la dilay laga qaatay laba qori AK47 ah oo ay wateen. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa faraha kasii baxayay muddooyinkan dambe.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *