Garoowe: Al-Shabaab Oo Sheegatay Masuuliyadda Qaraxii Saaka Iyo Khasaaraha Oo Sii Kordhay + SAWIRRO

Garoowe (Raacdo.com):- Waxaa sii kordhaya tirada dhimashada ka dhashay qaraxii saaka ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Warar hor leh oo soo baxay ayaa sheegaya in dhimashadu ay marayso Toban qof oo isugu jira madaw iyo cadaan, walow labo ka mid ah la sheegayo inay Somali yihiin.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi, iyagoo xaqiijiyay in dhimashadu mareyso 10 ruux, ayna u badan yihiin kuwa ajaanibta ah ee Qaramada midoobay.

Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh cabdulcaziis Abuu Muscab ayaa war baahinta Al-furqaan u xaqiijiyay in tobanka qaraxa ku dhintay ay isugu jiraan caddaan iyo madow.

Wuxuu sheegay in kuwa caddaanku yihiin 8 halka afarta kale ay yihiin afrikaan. Xaaladd kacdanaan ah ayaa ka jirta magaalada Garowe kadib markii ciidamada PIS-tu bilaabeen hawl gallo qal qal galiyay adeegii bulshada.

Garowe ayaa xarun u ah maamulka Puntland iyo shirkado ajaanib ah oo ay kamid tahay Saracen iyadoo ay sidoo kale ka hawl-galaan kuwa ka tirsan Qaramada midoobay.

Qaraxan ayaa kusoo aaday iyadoo uu dalka Itoobiya ku maqan yahay madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas.q1 q2 q3 q4




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *