Gaadiidka AMISOM Oo Wiil Dhagoolle Ah Ku Jiidhay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Raacdo.com):- Gaadiidka dagaalka ee ciidamada AMISOM ayaa saacadihii lasoo dhaafay wiil dhalinyaro ah ku jiidhay wadada gasha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyadoo arintani ay naxdin xooggan ku abuurtay shacabka magaalada Muqdisho.

Wiilka dhalinyarada ah ayaa la xaqiijiyay inuu Dhagoole ahaa, iyadoo wiilka dhalinyarada ah dhaawac culus uu soo gaadhay, waxaana loola cararay goobaha caafimaadka.

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si aad ah uga naxay dhacdadan arxandarrada ah ee ay ku dhaqaaqeen ciidamada AMISOM, waxaana la sheegay in wiilka dhagoolka ah mar kaliya uu ku baraarugay gaadiidka AMISOM oo jiidhaya.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *