Fannaaniin Lagu Xidhay Saldhigga Booliska Ee Magaalada Gabiley, Yaa Xidhay, Maxaase Lagu Haystaa?

Gabiley (Raacdo):- Xubno ka mida fanaaniinta reer Somaliland oo xuskii 18-ka May shalay kala qayb-galay bulshada Gabiley ayaa loo taxaabay xabsiga magaalada Gabiley.

Fanaaniinta haatan ku xidhan saldhigga Gabiley ayay tiradoodu dhan tahay Labo Fanaan. Kuwaasoo kala ah Abwaan Maxamuud Xuseen Qaalib (Wadani) iyo Al-Fanaan Maxamed Miyir.

Mar aanu khadka taleefanka ku helnay iyagoo ku sugan saldhigga booliska oo aanu wax ka waydiinay sababta lagu xidhay iyo cidda xadhigooda ka dambaysay ayey noo sheegeen in amarka xadhigooda uu bixiyey una xidhan yihiin badhasaabka gobolka Gabiley, balse aanay garanayn, ilaa haatanna aan loo sheegin sababta loo xidhay.

Labada Fannaan oo sidoo kale aanu waydiinay goorta la xidhay ayaa noo sheegay in xabsiga loo taxaabay duhurkii, wax yar kagadaal markii ay soo af-meereen ruwaayad ay ugu talo-galeen xuska 18-ka May oo ay usoo bandhigeen bulshada reer Gabiley.

Mar aanu fanaaniinta waydiinay nuxurka ruwaayadda wuxuu ahaa ayaa noo sheegay inay ahayd ruwaayad ku salaysnayd sheeko xiiso badan oo ka turjumaysay halgankii loo soo galay qaranka iyo weliba wax-qabadka xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Dhanka xukuumadda, gaar ahaan badhasaabka Gabiley ayaanay noo suuro-gelin in aanu wax ka waydiinay sababta uu fanaaniinta u xidhay. Waxaanay fanaaniintaasi ay haatan maxaabiis ku yihiin saldhigga magaalad Gabiley.

Labadan fannaan ayaa ka mida fanaaniinta caanka ah ee sida gaarka ah loogu majeerto waddaniyadda.  Abwaan Maxamuud-waddani waa mu’allif sameeyey ruwaayado u badan waddaniyadda. Waxaanu curiyaa qaybaha kala duwan ee suugaanta.

Al-Fanaan Maxamed Miyir isaguna waa Fannaan qaada heesaha, waxaanu si gaara caan ugu yahay samaynta laxamada iyo weliba tumista musiga, gaar ahaan Kamanka. Waan kamaniistaha gaarka ah ee kooxda caanka ah ee Xiddigaha Geeska.

 

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *