Ereyga ‘Haasaawe’ waa erey dhaqan ahaan dadkeenii hore adeegsan jireen kuna jirta maahmaaheena saddexleyda ah. Waxa ay ku maahmaahi jireen saddex lama raaco. Saddexda waxa ku jirtey ‘Ma haasaawe’. Ma haasaawe waa ruuxa marka madal la wada joogo ama si hadalku iskugu kiin darsamo aan hadlin. Waa ruux agnaan ah oo codkarnimo hadal aan lahayn. Qarnigan aynu noolnahay iyo hab-adeegsiga ereyga haasaawe aad buu inoogu badan yahay. Waxa aad maqlaysaa ‘hebel iyo heblaayo way haasaawaan’, ‘hebel waa nin haasaawe badan’, ‘hebel ma haasaawi yaqaan’ iwm.

Haasaawuhu laba midkood ba waa noqdaa: haasaawe guud iyo haasaawe guur. Haasaawaha guud waa haasaawaha ay labada ruux iskaga xaal-wareystaan hawlahooda adduunyo.

Kolalka qaarkood waa ay dhacdaa oo waa wax jira in xidhiidh haasaawe guud ahaa uu isku beddelo xidhiidh haasaawe guur ah. Labada ruux kolka ay is dhaafsadaan wax badan oo khuseeya noloshooda qofeed illaa qoysnimo aadna ay isku dhexgalaan isna dabeecad iyo dhaqan fahmaan; kolay waa timaadaa damac in uu kala galo. Derajadan dadka xidhiidhkoodu gaadho waa dad aan odhan karo waxa ay yagleeli karaan xidhiidh ka qotadheer midka isku haya. Waa dad aan qabo in ay abuuri karaan nolol lammaane oo tusaale nool noqota. isla markaana soo saarta ubad loo aayo oo dushoodana laga garto in kalgacal iyo jacayl lagu koriyay ileyn waa tii la yidhi: ”Dhal jacayl udgoonkaad ka garataaye”. Waa dad aan qabo in ay iskugu dulqaadan karaan isbeddelka xaaladahooda nololeed. Sida oo kalena noqon kara lammaane xanaftooda iyo khilaafkooda xalista oo aan la maqlin.

Sheeko-fanneeda ‘Bilan’ waa sheeko ka warramaysa xaalad nololeed iyo dhacdooyin dhab ah oo inagu gedaaman. Waa sheeko xambaarsan oo laga dhex akhrisan karayo waayaha adag iyo jidadka qodxaanta leh ee wadada guusha loo maro. Waa sheeko ka warramaysa natiijada ka dhallan karta ku sal-fudeydka iyo u fiirsi la’aanta dhallintu sameeyaan kolka ay ibo-furayaan xidhiidh haasaawe guur ah. Maanta aad bay u fududahay in aad ruux wada haasawdaan oo aad isla markiiba xidhiidh guur aad ka wada hadashaan. Waa wax dhici kara in ruuxa aad aqbashay xidhiidhkiisa guur in aanad u lahayn wax aqoon ah oo dabeecadiisa, dulqaadkiisa, dhaqankiisa, aqoontiisa, hankiisa, hiigsigiisa, akhlaaqiyaadkiisa iyo aragtiyihiisa ba khuseeya. Labada ruux ee raba in ay xidhiidh guur wada yagleelaan aad bay ugu muhiim tahay in ay qodobadaa midkood ba dhigiisa kale ka ogaado. Kolka ay labada ruux is dabeecad fahmaan ee ay is dhaqan fahmaan caqabado badan oo nolosha ah waa ka wada gudbi karaan, himilooyin badan oo ay hiigsinayaana waa ay ka wada midha-dhallin karaan.

Sheekada ‘Bilan’ waxa ay aad uga hadlaysaa inan Bilan la yidhaa. Bilan waa inan illaa intii aanay afar gu’ jirsan la soo kortay waalidkeed. Bilan kolkii ay afar gu’ baarka ka jartay waxa la wareegtay oo soo korisay habaryarteed Ruqiya. Bilan yaraanteedii wax ay ahayd ruux waxbarasho jecel iyada ayaa na ka codsatay habaryarteed in ay dugsiga ku darto oo soo qorto. Haddaba, aynu tagno Bilan oo gashaantiya oo waxbarashada heer dugsi sare ah ka maraysa. Bilan waxa ay ahayd qof ardayda ka tilmaaman dedaal iyo aqoon ahaan ba. Waxa ay ahayd ruux hansare iyo hiigsi durugsan leh. Qalbigeeda kolna ba kumay soo dhici jirin haasaawe iyo guur tooni. Bilan waxa lays barayaa wiil Mahad la yidhaa. Wax aqoon ah oo ay hore iskugu lahaayeen ma jirin. Haddana, iyaga oo muddo bil ah is yaqaan ayuu ka codsanayaa in ay is guursadaan. Bilan wax ku saabsan Mahad oo aan ahayn: ”In uu damacsan yahay adeerkii oo lix bilood ka dib imanaya, gacantana ku haya haa’yad shiidaal baadhis ah kuna yidhi adeerkiina: ‘waad ila shaqaynaysaa mooyee’ kama oga”. Bilan wax ba kama taqaan qofnimada Mahad iyo qoyskiisa ba. Wax ba kama taqaan dabeecadahiisa, dhaqankiisa, dulqaadkiisa, aqoontiisa, kartidiisa, hankiisa iyo hiigsigiisa nololeed ba. Mahad waxa uu Bilan dhexgeeyay badweyn mala’awaal ah oo aanay wax ba ka run ahayn. Se waxa ay ogaatay waxyaabahaa uu u sheegayay beentooda kolkii ay umushay ilmaheedii koowaad. Bilan waxa ay rafaado oo ay nolosha lammaane ee qoysnimo nacda ba ilmo labaad ayaa u calool galay oo ay u dhashay Mahad. Iyaga oo laba carruur ah isku leh ayaa uu Mahad u suudalayaa [tahriibayaa] Yurub. Liibiya ayuu ka soo hadlayaa. Isla markii uu la soo hadlayna una sheegay in uu tahriibay; waxa ay ka dalbatay in uu furo oo uu siiyo warqadeedii. Ka bacdi isna dhulkaba ulamay dhicin ee bartii ayuu taar-gacmeedka kaga soo dhahay ‘waa ku furay’.

Bilan intay Mahad wada socdeen ee ay sheekadu u socotay wiil aad u jeclaa oo dareen kalgacal oo laxaad leh u qabay ayaa jirey. Farxaan waa wiil ay Bilan isku dugsi ahaayeen. Waa wiil afgaaban bulshada iyo barbaarta dhexdeeda se ah ruux aqoon iyo akhlaaq ahaan ba dhisan. Afgaabnidiisu maaha tu agnaanimo iyo codkarnimo la’aan hadaleed ah ee waa mid abuuriya. Kolka la doodayo lama gabbado aragtidiisa si fiican oo aqooneysan oo ixtiraam lehna wuu u dhiibtaa, isaga oo dhawraya dadka ka aragtiyaha duwan ee ay wada doodayaan. Bilan waa u ogayd in Farxaan dareen jacayl u qabo oo saaxiibadeed Najma ayaa uu u soo fartay oo u sheegtay. Si kasta oo qof bani’aadam ahi dareen uu u qabo ruux kale uu u soo bandhigan karo Farxaan waa ugu soo bandhigtay Bilan. Se iyadaa dheg jalaq u siin oo arrinkeedu waxa uu ahaa ‘Naftiisu anay i rabtaa, naftayna naf kaley rabtaa’.

Waa wax dhallinta aad ugu adag in ay runta isku sheegaan. Wiilka ama gabadhu kolka uu xidhiidh guur qof kale la leeyahay oo xidhiidhkooduna yahay ku seeskiisa iyo bud-dhigiisa hoose adagyahay; haddii midkood ruux kale xidhiidh ka dalbado ama dareen u soo bandhigo kama badheedhaan oo runta uma sheegaan qofka. Sabab aad ruuxa u tidhaa soo dhawoow oo aad albaabka xidhiidhka guur aad ugu soo dhaweysaa adoo ruux kale xidhiidh la leh taasi maaha mid meesha taal. Farxaan waxa uu ahaa ruux jacayl iyo kalgacal ahaan aad ugu golongolay Bilan. Taasi waxa ay keentay maalmihii meherka Bilan soo dhawaaday in uu iskaga tago magaalada Berbera oo ay Bilan wada deggenaayeen una wareego Hargeysa. Farxaan waxa uu ogaaday xaalka Bilan iyo sida waayaheedu yahay. Farxaan waxa uu la soo xidhiidhay Najma oo iyana uga sii warrantay sida arrin noqday. Farxaan waxa uu Najma ka codsaday in ay u soo weydiiso in uu la soo hadli karo Bilan iyo in kale.

Alla mahadii Bilan waa ka aqbashay Farxaan codsigii. Muddo illaa bil ah kolkii la kaftamayay ee wax badan oo noloshii hore ah iyo kolkii doobka iyo gashaantida la kala ahaa lana quruxda badnaa lays xasuusiyay ayaa runta lagu soo dhawaaday. Farxaan u sheeg Bilan inuu weli jecelyahay. Sida oo kale u sheeg jacaylka uu u qabo aawadeed in uu dumar kale guursigood uga caagay. Farxaan waxa uu Bilan ka codsaday in ay is guursadaan. Bilan runtii aad bay uga qiirootay dareenka Farxaan ee ay hore u fahmi weyday iyo fursadaa hore uga dayacantay. Farxaan waxa uu Bilan ugu niyadqaboojiyay in uu raali ku yahay iyada oo carmal ah iyo carruurteeda ba in uu xannaaneeyo oo ay wada noolaadaan. Farxaan waxa uu riyadii dhimatay iyo qalbigii quustay ee Bilan ka dhigay mid rejo iyo farxadi ku dheehan tahay. Dibna waxa u soo noqotay noloshii iyo quruxdii Bilan ee hore.

Intaa waxa ku soo idlaaday faalladii koobnayd ee ku saabsanayd dhiganaha sheeko-fanneeda ah ee ‘Bilan’ oo uu qoraageedu yahay Cabdiraxmaan Maxamed Warmooge. Sheekadani waa sheeko akhriskeedu aad ii xiiso geliyay kuna raaxaystay. Waa sheeko farshaxanimo iyo aftahanimo qoraaleed oo heersareysaa ay ka muuqato. Cabdiraxmaan in aan ku bogaadiyo dhiganahan qiimaha leh ee uu maskaxda iyo muruqaba geliyay kala ma bakhaylayo ee hambalyo, hambalyo ayaan leeyahay. Qorista sheeko-fanneedu waxa ay ka mid tahay mawduucyada waayadan danbe qoraayada soomaalidu qalinka u qaateen. Shay kasta oo bani’aadam uu qoraana kolay dhaliil ma waayo. Se haddana, amaanta iyo dhaliisha soomaali ahaan dhaliisha ayaynu qofka u horreysiinaa. Ka soo qaad laba ruux ayaa hal dhigane wada akhriyaya. Labada ruux ereyada carrabkoodu ku dhawaaqayo ee loo gudbinayo maskaxdooda isku si uma arkayaan oo ulama falgelayaan. Ruux in uu aragtiyaha iyo aqoonta ku jirta kala baxayaa suurtagala. Ruuxna in uu ku mashquulsan yahay ereyada xulashadooda iyo macnahooda ayaa suurtagala.

W/Q: Ibraahin Xuseen Daa’uud ‘Masxaf’