Faahfaahino Dheeraad Ah Oo Laga Helaayo Askar Jabuutiyaan Ah Oo Lagu Laayey Bedeldweyne.

Muqdisho (Raacdo.com):- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya askar ka tirsan ciidamada Jabuuti oo lagu dilay gudaha magaalada Beledweyne oo ka mid ah goobaha ciidamada Jabuuti kaga suganyihiin gobalka Hiiraan.

Inta la xaqiijiyay Afar askari oo Jabuutiyaan ah ayaa lagu dilay gudaha Beledweyne kadib markii askari Jabuutiyaan ah rasaas oodda kaga qaaday askartaasi oo muran xooggani soo kala dhex-galay, iyadoo xaalad kacsanaan ah ay ka dhex-taagan tahay gudaha ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Beledweyne.

Dadka magaalada ayaa war-fidiyeenka u xaqiijiyay in garoonka diyaaradaha Beledweyne ay soo cago-dhigatay diyaarad taasi oo goobta ka qaaday meydadka afarta askari ee ay iska dileen ciidamada Jabuuti, waxaana la sheegayaa in diyaaraddu ay meydadkaasi ka dejisay dalka Jabuuti.

Sarkaal ka tirsan taliska ciidanka Jabuuti ee ku sugan gobalka Hiiraan  ayaa lagu warramayaa in nin oday-dhaqmeed ah u sheegay in askariga dilka geystay uu xanuun dhanka dhimirka ah qabay sadexdii bilood ee lasoo dhaafay waxaana lagasoo bedelay Jiidda dagaalka ee Buula-Burde.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *