Faah-faahin Kasoo Baxaysa Diyaarad Shalay Ku Dhacday Duleedka Afgooye Iyo Maraykanka Oo Ka Hadlay.

Muqdisho (Raacdo.com):- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya diyaarad nooca yar yar ah oo gelinkii dambe ee shalay kusoo dhacday deggaanka Cusmaan Duurre ee duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Ilo-wareedyo ka tirsan Dowladda Fedraalka ayaa Warbaahinta Soomaalida u sheegay in diyaaraddaasi ay iska leedahay Dowladda Mareykanku, islamarkaana ay kasoo duushay magaalada Nairobi, iyadoo kusii jeeday Garoonka diyaaradaha Balli-doogle ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo saldhig ay ku leeyihiin Ciidamo Mareykan ah.

Wararka qaar waxay sheegayaan in goobtii diyaaraddu kusoo dhacday  ay gaadheen Ciidamo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, lamana oga illaa iyo hadda in Ciidamadaasi ay gacanta ku dhigeen burburka diyaaradda iyo in kale. Sidoo kale waxaan la ogeyn halkii ay ku dambeeyeen Shaqaalihii diyaaradda saarnaa, inkastoo xaalkooda ay warar kala duwani kasoo baxayaan.

Gudoomiyaha degmada Afgooye ee Maamulka Dowladda Fedraalka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen shaqaalihii diyaaradda la socday oo u dhashay dalka Mareykanka, balse illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo warkaas xaqiijinaya.

Dhanka kale War ka soo baxay Pentegon-ka Mareykanka ayaa lagu beeniyay in Diyaaraddani soo dhacday ay xarakada Al-Shabaab ku qabsadeen muwaadiniin Maraykan ah.

Mareykanku waxa ay sheegeen in aanay jirin muwaadiniin u dhashay dalkaasi oo u gacan-galay Ururka Al Shabaab, kuwaasi oo la socday Diyaarada dhacday.

Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegay Diyaarada dhacday in lagala degay 9 nin iyo saddex Dumar ah oo dhamaantood ah Ajaaniba, kuwaasi oo Diyaaradda la socday.

Dadka lala degay ayaa waxa ay u badan tahay inay u gacan-galeen Ururka Al Shabaab, maadaama Diyaaradda meesha ay ku soo dhacday la sheegayo in ay maamulaan Ururka Al Shabaab.

Laba Todobaad ka hor ayay aheyd markii sidan oo kale duleedka degmada Afgooye, gaar ahaan Waddada aada dhinaca magaalada Muqdisho ay kusoo dhacday diyaarad Xamuul ah oo shixnad xamuul ah u sidday Ciidamada Amisom ee dalka Soomaaliya ku sugan.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *