Faah-faahin Kasoo Baxaysa Dagaal Lagu Laayay Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Ka Dhacay Baardheere.

Muqdisho (Raacdo.com):- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Ciidamada Al-Shabaab ay habeen ka hor ku qaadeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa waxay weerareen saldhigyo ay Ciidamada Itoobiya ka samaysteen gudaha iyo duleedka magaaladaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee halkaas laga helayo ayaa waxay sheegayaan in Tobon Askari oo Itoobiyaan ah lagu dilay, 10 kalena lagu dhaawacay dagaalkaasi.

Wararku waxay intaas ku darayaan in intii dagaalku uu socday in ciidamada Al-Shabaab ay madaafiic ku garaaceen saldhigyada Itoobiyaanka, waxaanay Saraakiisha Al-Shabaab ay war-fidiyeenka u sheegeen in madaafiicdaasi ay ku dhaceen gudaha saldhigyada Ciidamada Itoobiya.

Wararka kale ee kasoo baxaya Gedo ayaa intaasi ku daraaya in diyaarad kasoo kicitintay magaalada Baydhabo ay meydad iyo dhaawacyo ka daad-guraysay magaalada Baardheere.

Degmada Baardheere waxaa dhowr bilood ka ho ku duullay oo qabsaday Ciidamada Itoobiya, kadib muddo sanado ah oo magaaladaasi ay maamulayeen xoogagga Al-Shabaab.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *