FAAH-FAAHIN: Ciidamada Jubbaland Oo Dhegta Dhiigga Loo Daray Lagana Dilay 26 Askari

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saaka weerar xooggan kula jarmaaday Fadhiisin ay ciidamada maamulka Jubbaland ku leeyihiin deggaanka Buula-Guduud ee duleedka magaalada Kismaayo.

Dagaalka oo ahaa mid aad u culus islamrkaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayay wararku sheegayaan in khasaare farabadan lagu gaadhsiiyay ciidamada maamulka Jubbaland.

Wararkii ugu dambeeyey ee kasoo baxaya dagaalkan culus ayaa sheegaya in ugu yaraan 26 Askari dhegta dhiigga loo daray, sidoo kalen dhaawac fara badan iyo gawaadhi laga gubayna ay jiraan.

Weerarka oo ku bilaawday qarax ka dhashay  gaadhi walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu waday dagaalyahan Naftiis hure ah ayaa wuxuu sababay khasaara lixaad leh oo gaadhay ciidamada Maamulka Axmed-Madoobe ee Jubbaland.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dhimashadu ka badan tahay 26 askari isla markaana khasaaruhu sii badan karo sababa la xidhiidha qaraxyo kolonyo gurmad ah lagula beegsaday deggaannada Qaamqaam iyo Yoontooy.

Ilo-wareedyo ay war-fidiyeennadu soo xiganayaan ayaa waxay xaqiijinayaan in laba gaadhi lagu gubay laba qarax oo ka dhacay wadada isku xidha deggaannada Buula Guduud iyo Yoontooy.

Waxaa xusid mudan Weerarkan ay ciidamada Al Shabaab ku qaadeen saldhigga milleteri ee duleedka Kismaayo inuu socday xilli diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanku aanay hawada faaruqin oo dagaallada ay marmarka qaar si toos ah uga qeyb-qaataan.

 Xoogaga Al Shabaab ayaa la xaqiijiyay in ay si buuxda ula wareegeen gacan-ku-heynta deggaanka waxayna qabsadeen saddex gaadhi oo Tikinika ah sidoo kale waxay rarteen saanado milleteri oo ku xaraysnaa Bakhaaro ku yaal Buula Guduud sida ay war-fidiyeennada u sheegeen dad goob-joogayal ah.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *