FAAH-FAAHIN: Al-Shabaab Oo U Awood-sheegatay Ciidanka Shariif Xasan Kana Dishay 17 Askari + Gaadiid Laga Qabsaday

Muqdisho (Raacdo.com):- Faafaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal saaka aroornimadii hore ka dhacay fadhiisin ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ay kaga sugnaayeen deggaanka Goof-guduud shabeeloow ee duleedka magaalada Beydhabo.

Dagaal mudo socday kadib ciidamada Al-Shabaab ayaa guud ahaan la wareegay difaacyada ciidanka maamulka Shariif Xasan iyo gacan-ku-haynta deggaanka kadib markii ay isaga xirfadeen ciidamadii dawladdu.

Inta la xaqiijiyay hal askari oo ciidanka Koonfur Galbeed ka tirsanaa ayaa dagaalka ku dhintay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen, saraakiisha ciidamda Al-Shabaab ayaa Idaacadda Andalus u sheegay in fadhiisinkii lagala wareegay ciidamadaasi ay ka heleen agab milateri hub iyo rasaas.

Intaas kagadaal, ciidamadii Koonfur Galbeed ee laga baacsaday deggaankaasi oo firxadkoodu gaadhay magaalada Beydhabo ayaa mar kale soo rogaal-celiyay iyagoo si gurmad ahaan ah ay usoo kaxaysteen dhowr ka mid ah gaadiidka dagaalka.

Ciidamada Al-Shabaab oo sida wararku sheegayaan ka war-hayey dhaqdhaqaaqa ciidamadaasi ayaa weerar  dhabbo-gal ah u ka galay meel aan ka fogeyn magaalada Beydhabo, wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Al-Shabaab ay halkaasi ku gubeen mid ka mid ah gaadiidkii ciidanka dawladdu ay wateen oo noociisu ahaa Cabdi Bille qori dhishiike ah uu ku xidhnaa.

Wararku waxa kaloo ay sheegayaan in dagaalkaa dambe ay ciidamada Al-Shabaab ku qabsadeen 2 gaadhi oo kale oo nooca Cabdi Bileha ah iyo qoryihii ku xidhnaa.

Sarkaal ciidamada Al-Shabaab ka tirsan ayaa idaacadda Andalus u sheegay in dhimashadu ay gaadhayso ilaa 17 askari oo ciidanka maamulka Shariif Xasan ka mid ahaa, halka dhaawacu uu intaasi ka badan yahay.

Sidoo kale ciidamada Al-Shabaab waxa ay gacanta ku dhigeen hub iyo rasaas kuwasi oo inta badan ay ka firxadeen ciidanka maamulka loola baxay Koonfur Galbeed.

Waa khasaarihii ugu badnaa ee ciidamadaasi ku gaadha bilihii ugu dambeeyay dagaalada ay kala kulmaan ciidamada Al-Shabaab ee gobollada Baay iyo Bakool.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *