Email-ka Agaasimaha CIA-da Oo La Jabsaday & Macluumaad Muhiim Ah Oo Laga Helay.

Washington (Raacdo.com):- Macluumaad laga helay cinwaan gaar ah oo uu leeyahay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Debedda Maraykanka ee CIA John Brennan ayaa debedda la soo dhigay, ka dib markii maalmo ka hor ay koox u dhacda Computeradu jabsadeen Emailkiisa.

 

Shabakadda Wikileaks ayaa maanta oo khamiisa soo bandhigtay nuqullo kala duwan oo laga soo xigtay emailka Agaasimaha hey’adda CIA, kuwaas oo ay ku jiraan qoraallo qabyo ah oo laga diyaariyey caqabadaha soo food-saaraya hey’adaha nabad-sugidda Maraykanka iyo soo jeedino la xidhiidha sida Maraykanku ula macaamili karo dalka Iran.

 

Shabakaddan soo bandhigta macluumaadka sirta ah ayaa sidoo kale baahisay qorshe qabyo ah oo ku saabsan codsi uu leeyahay, kaas oo xambaarsan macluumaad shakhsi ah oo ay ku jiraan lambarkiisa diiwaanka bulshada ee loo yaqaan Social Security Number.

 

Horey ayaa loogu dhacay qeybo badan oo ka mid ah hey’adaha Maraykanka iyadoo sida la sheegay laga xaday macluumaad ku kaydsanaa.

 

Dowladda Islaamiga ah ayaa leh qeyb sirdoon oo ku takhasusay Tiknolojiyada Casriga ah iyagoo qaada howl-gallo lagu khal-khal geliyo Maraykanka.

 

Lama faafaahin cida sida rasmiga ah ujabsatay emailka Agaasimaha CIA-da Maraykanka Mr John Brennan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *