Duqa Caasimadda Muqdisho Oo Xilkii Laga Qaaday + Sawirka & Magaca Duqa Cusub Ee La Filayo In La Magacaabo

Muqdisho (Raacdo.com):- Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Mxamuud ayaa maanta xilka-qaadis ku sameeyay Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo ahaa guddoomiyaha iyo duqa Gobolka Banaadir.

War kasoo baxay Villa Somaliya ayaa lagu sheegay in Muungaab laga xayuubiyay xilkii uu hayay, iyadoo aan la sheegin sababta looga qaaday xilka.

Ilo-wareedyo ay warbaahinta qaar heleen ayaa sheegaya in guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir loo magacaabi doono Sarkaal ka tirsan Ururka Damul Jadiid, kaasoo lagu magacaabaa Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Xasan Sheekh ayaa qorshaynaya in uu isbedel ku sameeyo dhammaan guddoomiyaasha gobolka Banaadir sidoo kale waxaa la sheegayaa in wasiirrada ugu muhiimsan ee xukuumadda laga dhigi doono Damul Jadiid.

Villa Somaliya ayaa dajisay qorshe ah in xilalka ugu muhiimsan ee xukuumadda lagu taxo shakhsiyaad ka tirsan Xisbiga Damul Jadiid inta aan la gaadhin sanadda 2016-ka xilligaasi oo ay doorasho dhici doonto.

Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa la sheegayaa in sanadadii lasoo dhaafay ku noolaa magaalada Al-Qaahira ee caasimadda Masar isagoo xubin ka ahaa Damul Jadiid, balse dhawaan ayuu Muqdisho soo gaadhay waxaana u yeedhay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *