Dowladda Islaamiga Ah Oo U Hanjabtay Dowladaha Mareykanka & Ruushka

Baqdaad (Raacdo.com):- Sheekh Maxamed Al-cadnaani Afhayeenka dowlada islaamiga ah ayaa ka hadlay duullaanka ay wadamada reer galbeedka iyo shiicada Iiraan ku qaadeen wadamada Ciraaq iyo Suuriya.

Kalimad maqal ah oo uu Alcadnaani jeediyay ayuu kaga warbixiyay habsami u socodk dagaalka ay kula jiraan isbahaysiga Mareykanku Hoggaaminayo iyo ciidamda nidaamka Bashaar Al-asad.
Dowladaha Ruushka iyo Mareykanka ayuu Al-cadnaani ugu goodiyay weerarro joogta ah isagoo yidhi “Mar walba oo muslimiinta aad iskugu soo baheysataan jabkiina ayaa soo dhow”.

Sidoo kale dowladda Islaamig ah waxay hanjabaad kulul u jeedisay xukuumadda Aala-Sacuud ee qeybta ka ah dagaalk ka dhanka ah Jihaadiyiinta.

Sheekh Max’ed Al-cadnaani ayaa markii ugu horraysay qiray in ku-xigeenkii Amiirkooda oo lagu magacaabi jiray Abul Muctaz lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha Mareykanku ka fuliyeen duleedka magaalada Muusil.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *