Dowladda Ingiriiska Oo Xabisga Ku Celisay Daaci Islaami Ah.

London (Raacdo.com):- Dowladda Ingiriiska ayaa mar kale Xabsiga u taxaabtey daaciga caanka ah ee Anjem Jowdari, kaas oo aad u taageera Jamaacaadka Jihaadiyiinta ee Caalamka ka howl-gala.

 

Ciidamada Booliska ayaa xidhay daacigan, waxaana ay ku eedaynayaan inuu la kulmay qof aan mudneyn in lala kulmo.

 

4-tii bishan ayaa daacigan laga sii daayey Xabsiga, isagoo loo ballamiyay in bisha Octobar maxkamad la hor-geyn doono.

 

Anjem Jowdari oo 48 jir ah ayaa wacad ku maray inuu isbari yeeli doono, waxana maxkamadda London ay sheegtey in xidhitaankiisu ka dambeyso kadib markii uu la kulmay shakhsi aan illaa iyo hadda la carabaabin oo ay ku tilmaamtay in aanu ahayn qof mudan in lala kulmo.

 

Anjem Jowdari ayaa saxaafadda Caalamiga ah waxa uu si toos ah uga difaacaa Jihaadiyiinta Caalamka gaar ahaan dowladda Islaamiga ah, waana nin kasoo horjeeda siyaasadaha dowladaha Reer galbeedku ka cayaarayaan Caalamka Islaamka. 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *