Dowladda Canada Oo Joojisay Duqeymihii Ay Ka Wadday Ciraaq & Suuriya.

Toronto (Raacdo.com):- Dowladda  Kanada ayaa daboolka ka qaaday inay hakisay duqeymihii dhinaca cirka ahaa ee diyaaradaheeda dagaalku ay ka wadeen dalalka Suuriya iyo Ciraaq, sida uu sheegay Ra’iisal wasaaraha dalkaasi ninka lagu magacaabo Jastin Trudu.

“Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama waxaan gaadhsiiyay go’aanka aan ku gaadhnay inaan joojinayno duqeymaha, anagoo kusii jiri doona isbaheysiga caalamiga ah ee ka dhanka ah Argagixisada” ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalkaasi.

Go’aankan Dowladda Kanada ay ku joojineyso duqeymaha ay diyaaradaheeda dagaalka ka fuliyaan dalalka Suuriya iyo Ciraaq ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xilli maalintii Isniinta doorashooyinkii dalkaas ka dhacay lagaga adkaaday xisbigii uu hogaaminayay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi, iyadoo xilkaas uu ku guuleystay musharax ka socda Xisbiga Liberal Party-ga.

Dowladda Kanada ayaa dabayaaqadii sanadkii hore ku biirtay isbaheysiga uu Mareykanku hogaaminayo ee weerarrada dhinaca cirka ku haya Mujaahidiinta ka dagaallama dalalka Ciraaq iyo Suuriya, waxaana diyaaradaha dagaalka ee Kanada ay tiro dhowr jeer ah duqeymo ku garaaceen deggaannada ay Jihaadiyiintu maamulaan ee labadaas dal ku yaalla.

Isbaheysiga uu Mareykanku hogaaminayo ayaa ku fashilmay gulufka xagga cirka ah ee ay ku qaadeen Mujaahidiinta ka dagaallamaya wadamada Ciraaq iyo Suuriya, iyadoo Mujaahidiintu ay mar walba sii qabsanayaan dhul hor leh oo dalalkaas ka tirsan.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *