Dowlada Kenya Oo Qirtay In Sarkaal Sare Lagaga Dilay Weerarkii Hoteel Saxafi.

Nairobi (Raacdo.com):- Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay weerarkii cuslaa ee shalay xoogagga Al-Shabaab ay kula wareegeen gacan-ku-haynta Hoteel Saxafi oo ka mid ah hoteellada ay deggan yihiin saraakiisha shisheeyaha iyo kuwa dowlada federaalka Somaliya ee ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho.

Saraakiisha iyo askarta lagu dilay weerarka hoteelka ayaa la sheegayaa inay kor u dhaafayaan 15 Ruux oo isugu jira saraakiil ka tirsan dowlada federaalka iyo kuwo caddaan ah iyo weliba kuwo Madow ah, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay weerarka tiro intaasi ka badan.

Sarkaal u hadlay wasaarada arrimaha dibada dowlada Kenya ayaa qiray in diplomasi sare oo Kenyaati ah lagaga dilay weerarkii Xarakada Al-Shabaab ku qaadeen hoteel Saxafi, taasi oo muujinaysa in saraakiisha hoteelka lagu laayay isugu jiraan Somali iyo Shisheeye.

In ka badan Shan saac oo xidhiidh ah ayay ciidamada Al-Shabaab maamulayeen hoteel Saxafi kadib markii aroonimadii hore ee shalay dagaal kula wareegeen gacan-ku-heynta hoteelka Saxafi.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *