Dowlada Islaamiga Oo Sheegatay Mas’uuliyada Diyaaraddii Maanta Ku Burburtay Dalka Masar.

Al-Qaahira (Raacdo.com):- Iyadoo saacadihii lasoo dhaafay qeybo ka mid ah dalka Masar gaar ahaan gobalka Siinaa ay ku burburtay diyaarad laga lahaa dalka Ruushka oo ay la socdeen 220 ruux oo dalxiisayaal ah ayaa waxaa mas’uuliyadda soo riditaanka diyaaaradaasi sheegtay Dowlada Islamiga.

War qoraal ah oo kasoo baxay gobolka Siinaa oo taabacsan Dawlada Islaamiga ayay ku sheegteen in ciidamada Mujaahidiinta dowlada Islamigu ay dhulka soo dhigeen diyaaraddaasi oo laga lahaa dalka Ruushka, waxaana diyaaradda la socday in ka badan 220 oo dalxiisayaal Ruush ah, kuwaasoo gebi’ahaantoodba dhintay.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in diyaaraddan Mujaahidiinta ay kusoo rideen gobalka Siinaa uu jawaab celin u yahay duqeymaha arxan-darrada ah ee diyaaradda Kufaarta Ruushka ka geysanayaan dalka Suuriya ayaa lagu yidhi bayaankan ka soo baxay IS.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *