Doorashooyinka Baarlamaanka Masar Oo Maanta Bilowdey.

Al-Qaahira (Raacdo.com):- Wararka ka imanaya dalka Masar ayaa waxay sheegayaan in waaberigii maanta oo Axad ah ay ka billowdeen magaalooyinka dalkaas doorashooyinka baarlamaanka oo noqoneysa markii ugu horeysay oo codbixin noocan ah oo loogu codeeyo baarlamaanku ay ka dhacdo dalkaas tan iyo markii talada dalkaas sida afgembiga ah looga qaadey Muxamed Mursi.

Xildhibaanada lasoo dooranayo ayaa waxay ka kala socdaan Xisibiga madaxweyanha talada haya ee Siisi iyo Siyaasiyiin ka tirsan xisbigii Maxamed Xusni Mubaarak madaxweynihii hore ee dalkaas.

Dadka la socda xaaladda dalka Masar waxay sheegayaan in aqlabiyada ugu badan ee kuraasta Baalamaanku ay ku guuleysan doonaan xisbiga Siisi, taas oo horudhac u noqoneysa inuu isku sii dhejiyo kursiga madaxtooyada, maadaama kuraasta baarlamaanka ugu badan ay ku fadhiyaan taageeriyaashiisu.

Kooxaha Mucaaradka oo ay ugu horeyso jamaacada Ikhwaanka ayaa ku baaqey in la qaadaco doorashooyinkaas oo ay ku tilmaameen inay tahay mid sharci darro ah, waxaana Siisi uu guud ahaanba mamnuucey in ururuada Mucaaradku ay ka qeyb-galaan tartanka kuraasta Baarlamaanka.

Guddiga doorashada oo la hadley warbaahinta waxay sheegeen in habsami u socodka doorashada lagu tilmaami karo mid wanaagsan, iyadoo dadka soo qaabilaya cod bixintu ay aad u badan yihiin.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *