Donald Trump Oo Shaqada Ka Caydhiyey Madaxii FBI-da Maraykanka

Washington (Raacdo.com):- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo saaray war saxaafadeed uu ku iclaamiyay inuu shaqada ka eryay madaxii hay’adda Sirdoonka FPI-da Maraykanka Jemes Commy.

War-saxaafadeedkan waxaa lagu sheegay in Comy aanu u qalmin hoggaaminta hey’addan oo uu Trump sheegay inay ka mid tahay hey’adaha ugu muhiimsan ee gudaha Maraykanka.

Afhayeenka Aqalka Cad Spiser oo isaguna dhankiisa hadlay wuxuu sheegay in Madaxweynuhu aqbalay talo uga timi Xeer Ilaaliyaha guud iyo ku-xigeenkiisa kuwaas oo dalbaday in xilka laga qaado taliyaha Sirdoonka maxalliga ee FPI-da Maraykanka.

Jemes Comy oo 59 jir ah ayaa qeyb ku lahaa guusha uu Trump kasoo hooyay doorashada Maraykanka, waxaana maalmo ka hor doorashada uu baahiyay Warbixin dheer oo lagu tuhmayo Hellery Clinton.

Xil-ka-qaadistiisu waxay timid iyadoo uu dhawaan sheegay inay jireen xidhiidh ka dhexeeyay guddiga Doorashada ee Trump iyo dowladda Ruushka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *