Diyaarado Mareykanku Leeyahay Oo Ku Burburay Ciraaq & Turkiga.

Baqdaad (Raacdo.com):- Maalintii shalay oo arbaca ahayd waxaa sarkaal ka tirsan Xukuumadda Mareykanku uu shaaca ka qaadey in ay burbureen labo diyaaradood oo nooca wax basaasa ah, isla markaana sawaariikh ay ku xidhan yihiin, kuwaas oo ku kala sugnaa wadamada Turkiga iyo Ciraaq.

 

Mas’uulkan ayaa sheegey in diyuuradda ku burburtey Ciraaq in iyadoo hawada ku jirto la waayey xidhiidhkeeda, waxaana ku xidhnaa sawaariikh qaali ah sida uu hadalka u dhigay, markii la waayey ayaa hagihii diyaaradda waxa uu ku war geliyey hoggaanka guud ee Ciidamada Mareykanka.

 

Sidoo kale 19-kii Bishan ayaa dayuurad kale oo basaas ah waxay ku burburtey koonfurta Turkiga, kadib markii ay lasoo deristey cillad dhanka farsmada ah, waxaana sarkaalkani uu sheegey in si aamin ah markii ay diyuuraddu u ciladowday ugu soo dejiyeen deggaan aan dad ku sugnayn.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *