Diyaaradaha Ruushka Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Dalka Suuriya.

Dimishiq (Raacdo.com):- Diyaaradaha dagaalka ee dalka Ruushka ayaa weli ka wada gobollada dalka Suuriya xasuuq bahalnimo ah.

Wararka ka imanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in duqaymo waxashnimo ah oo ay diyaaradaha Ruushku ka fuliyeen gobolka Laadiqiyah lagu dilay dad fara badan.

Inta la xaqiijiyay 50 qof oo shacab u badan ayaa ku dhintay kadib markii ay duqeeyeen diyaarada Ruushku tuullada Bisharfatu Qarbiyah.

Koox dusha kala socotay arrimaha xuquuqul insaanka Suuriya oo saldhigoodu yahay dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in deggaanka Jabul Akraad sidoo kale ay kudileen duqaymaha diyaaradaha Ruushku in ka badan 45 qof, tobanaan kalena ay ku dhaawaceen.

Duqaymaha Ruushka oo bilawday 30-kii Setember ayaa la sheegay in ilaa iyo hada ay galaafteen nolosha ku dhawaad 150 qof oo shacab ah, waxaana ku jira dadkaas 36 caruur ah.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *